Ma Dhabbaa In Salaadii Ciida Masar Labo Qiblo Loo Kala Tukaday (Sawiro)

Masar 2Muuqaalada sawiro markii hore lagu baahiyay shabakadaha xidhiidhka bulshada dunida ee Facebook iyo Twitter-ka, oo ku saabsan qaabkii looga tukaday dalka Masar saadi Ciidal Fidriga ayaa noqday kuwo saamayn wayn ku yeeshay dalkaas iyo dunida inteeda kale.

Sawiradan oo laga qaaday ilaa laba fagaare oo dadku isugu soo baxeen salaadii ciidal Fidriga ee dalkaas, ayaa muujinaya dad hal fagaare ku wada tukanaya haddana labo qiblo ama jiho u kala jeeda oo u kala tukanaya.

In kasta oo aanay jirin cid sugtay ama cadaynaysa sawiradan xaqiiqdooda, haddana waxa ay muujinayaan fagaarayaal la isla wada garanayo, oo ku yaala magaalada Qaahira ee caasimadda u ah dalkaas, waxaana ka muuqda dadka oo kala jeeda isku fagaarana ku wada tukanaya.

Sawiradan oo ay baahisay shabakada MBC, ayaa dalka Masar ka dhaliyay muran balaadhan, waxaana jira dad badan oo diiday in xalaadani ka dhacday Masar, laakiin sawirka oo ciwaankiisu ahaa, qibladaad doonto u tuko, laakiin ha igu xad gudbin, waxa uu noqday mid saamayn wayn ku yeeshay bulshada dhexdeeda.

Dalka Masar waxa la wada og yahay in ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo si wayn loogu kala qaybsan yahay, aragti ahaana dadku ay ku kala jabeen, taas oo sidoo kale salka ku haysa dhinaca diinta iyo figradaha ay kala aaminsan yihiin, kooxaha ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo kuwa u janjeedha dhinaca Milatariga uu hogaamiyo Gen. Cabdi Fatax Siisi.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply