Ma ogtahay akhriste maalqabeenkii ugu hantida badnaa Dalka Lubnaan in uu ahaa ninkii magiciisa la odhan Jiray Email Al-bustaani .

Email Al-bustani

Email ayaa waxa uu ahaa ninkii ugu hantida badnaa ee soo maray dalka lubnaan sanadadii kontomeeyadii qarnigii hor ,hantida uu ninkaasi haystay ayaa waxa la sheegay in aanu jirin maalqabeen u dhashay Dalkaasi oo ilaa iyo haatan hantiyay hantidii uu lahaan jiray ninkaasi .

Email Al-bustani ayaa waxa uu magaalada Bayruut ee Dalka Lubnaan ka samaystay Qabri aad u waynaa kaasi oo uu ugu tala galay in lagu aaso.

Email Al-bustani ayaa waxa uu ku geeriyooday shil diyaaradeed xili diyaaradii uu saarnaa ay bada dul maraysay ,Si kasta waa loo raadiyay Maydkii Al-bustani si loogu aaso qabrigaasi balse nasiib darro lama helin maydkiisi iska daa wax kale lama helin xubin ka mid ah xubnihio jidhkiisa .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA