Ma Ogtahay?

Ma Ogtahay, in Malabka Saafiga ahi yahay dawada ugu wanaagsan ee Fayriska beerka aadamiga ku dhaca.
Ma Ogtahay, In Xamaaratadu aanay u soo dhawaan meesha Batroolku yaalo, (Xamaaratada waxa ka mid ah, Masaska, daba qalooca, abeesada).

Ma Ogtahay, In koob biyo qabow ah oo qofku aroortii marka uu tooso cabaa, dawo iyo ka hor tagba u tahay xanuunada beerka ku dhaca sida jooniska (Cagaarshowga), sababtuna waxa weeyeen iyagoo fir fircooni badan galiya beerka.

Ma Ogtahay, In qofku marka uu hadlayo ay shaqeeyaan afar iyo afartan xubnood oo jidhkiisa ka mid ahi.

Ma Ogtahay, In Awrku yahay xayawaanka ugu xasuusta dheer ee aadamiga soo raaca dhinaca xusuusta dhacdooyinka soo maray noloshiisa.

Ma Ogtahay, In Ceelka Shidaal ee dunida ugu wayni ku yaalo dalka Kuwait.

Ma Ogtahay, In qofku dhinto haddii boqolkiiba labaatan biyaha jidhkiisa ku jiraa ka fuuq baxaan, sida haddii uu aad u shubno, marka haraad badani helo ee uu meel saxaro ah maro oo kalana xaaladahaasi inta badan dhacaan.

Ma Ogtahay, In Magaca ugu badan ee carruurta dunida loo bixiyaa yahay Maxamed, waxaana taas lagu cadeeyay tobanaan cusbitaalada ugu waaweyn dunida ee dhalmada oo magacii ugu badnaa ee ay diiwaan galiyeen ahaa Maxamed.

Ma Ogtahay, In Lacagta noodhka ah, aan laga samayn waraaq, balse laga farsameeyo dun sida waraaqda oo kale loo ekaysiiyo taas oo sabab u ah cimri dherarka lacagta.

Ma Ogtahay, In tirada dadka Shiinaha ah ee ku Hadla afka Ingiriisigu ka badan yihiin, dadka ku dhaqan dalka Maraykanka.

Ma Ogtahay, In Afka Carabigu noqday, luuqada idaacadaha iyo telefishanada ugu badan ee dunidu baahiyaan.

Ma Ogtahay, In Israel oo ah dalka colaada ugu xun kula jira Carabta ay ku yaalaan 13-Idaacadood oo afka carabiga ku baxa iyo 8-Maxadado telefishan ah oo iyaguna ku baxa afka carabiga, halka dalalka carabta aanu ka jirin telefishan iyo idaacad afka Hebron-ka ee Yuhuudu ku hadasho ka baahiya, marka laga reebo hal war oo telefishanka dalka Masar laga akhriyo kowda habeenimo kaas oo ku baxa afka Yuhuuda, shan daqiiqo oo kaliyana ugu badnaan socda.

Ma Ogtahay, In Kitaabka Quraanka Kariimku noqday kitaabka ugu badan ee loogu akhriska badan yahay, luuqadaha ugu badana lagu turjumay.

Ma Ogtahay, In Bada Cas oo waddamada ay marto Somaliland ka mid tahay, ay tahay bada dunida ugu milixda badan, kaluunada ugu dhadhanka macaan uguna quruxda badanina ay ku nool yihiin.

Ma Ogtahay, In Qaarada ugu bedka wayn aduunku tahay Eeshiya, halka Qaarada Ugu Waddamada Badanina ka tahay Afrika, qaarada ugu tirada yar dalalkuna tahay Australia, halka Roobka ugu badan duniduna ku da’o sanad kasta labada qaaradood ee afrika iyo eeshiya, laakiin labadaasi qaaradood yihiin kuwa macaluusha ugu badan dunida.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Leave a Reply

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com