Quruxda duuleed oo aynu uga jeedno xarragada labbiska iyo jidhka iyo sidoo kale quruxda maskaxda oo fariidnimo ama garaad badni aynu ku tilmaamnaa waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha jacaylkooda uu aadamuhu ka siman yahay.

Dood baa ka jirta in fariidnimada ama quruxda maskaxda aynu nidhaahno ee, ay muuqaal duleed yeelan karta oo qacda hore ee deymadaba aad kala sooci karto ruuxa garaadka iyo fariidnimada keh iyo doqonka, waxa aanay dad aad u badani u arkaan in ay suurtogal tahay, kala soociddaas muuqaalku, marka ay sidaas tahayna waxaa ka dhalanaya in muuqaalkaagu mararka qaarkood doqon ama fariid kuu ekeysiin karo.

Wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa Jimcihii ina dhaafay ee 12ka Feebarweri 2016ka waxa uu qoray maqaal dheer oo uu qoraaga Drake Baer ku soo ururiyey qodobbo qofka yeesha uu bilowgaba dadka arkaya ula muuqanayo ruux garaad badan oo maskax iyo garasho loogu soo hirto leh (Fariiid, qof caqli badan).

Maqaalkan waxa uu qoraagu qodob kasta u cuskanayaa daraasad cilmiya, waxa aanu ku bilaabay, “Waa xaqiiqa in dadka qaar ay la dhashaan fariidnimo, waana arrin abuur ah.

Laakiin taas macnaheedu ma’aha in aanad ruux fariid ah isu ekeysiin karin, ama fariidnimadaada runta ah mid ka badan dadka u muujisan karin”

Qodobbadaas kuwooda ugu muhiimsanina waxa ay noqonayaan:

1. Xawaaraha dadka hareerahaagu ay ku socdaan mid la mid ah uun ku soco:

Cilmibaadhis uu hormood ka ahaa Bare-sare Carey Moreweddge oo ka tirsan jaamacadda Boston ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay, in dadku xawaaraha dhaq-dhaqaaq ee qofka ay ku arkaan, ay ka qiyaastaan heerka caqligiisa”

Sidaa awgeed haddii marka aad shaaraca marayso tallaabada aad uga dheerayso ama uga gaabiso inta dadka caadiga ah ee hareerahaaga maraya, waxa ay markaba kuu qaadanayaan doqon, iyo ruux caqligiisu inta caadiga ah ka hooseeyo.

2. Muraayado waaweyn xidho:

Cilmibaadhis la sameeyey ayaa lagu ogaaday in haddii aad xidhato muraayadaha indhaha, ay quruxdaada dadku u arkayaan in ay waxoogaa ka hoosayso inta caadiga ah, ama (Ay jinnayadahaagu hoos u dhacayaan), laakiin taas beddelkeeda waxa aad dadka ula ekaanaysaa ruux garaad iyo fariidnimo badan. Waxa taas ka sii daran, in nooca muraayadda aad xidhanaysaana qiimaynta saamayn ku yeelanayso, tusaale ahaan haddii aad xidhato muraayad ballaadhan oo fareenkeedu dhumuc weyn yahay, waxa aad dadka ula muuqanaysaa ruux xog-ogaal ah, macluumaadkiisu ay yihiin kuwii ugu dambeeyey, iyo in aad tahay ruux aad uga fariidsan, kuwa xidhan muraayadaha yaryar iyo xitaa muraadaha caadiga ah.

4. Magacaaga dhexe Xaraf keliya u soo gaabi:

Sida caadiga dadku waxa ay jecel yihiin in marka ay magacooda qorayaan ay isku daraan saddexda magac ee hore, waxase jire in dad badani ay arrintan u arkaan abtirsiin aan loo baahnayn iyo in magacu qoraal ahaan iyo akhris ahaanba qofka ku dheeraanayo, sababtaa awgeed dad badan ayaa jecel in ay isku daraan magaca koowaad iyo magaca loo yaqaanno magaca qoyska ama naanays qoysku caan ku yahay, laakiin warbixintani waxa ay muujinaysaa in labadaas oo la qoro ay ka fiican tahay in magaca koowaad lagu xigsiiyo magaca labaad oo loo soo gaabiyey halka xaraf ee u horreeya kadibna lagu daro magaca qoyska ama naanaysta. “Qofka magaciisa dhexe ku soo kooba Hal xaraf waxa uu dadka ula muuqdaa ruux saamayn gaar ah leh oo awood badan” sidaa waxaa ku doodaya Wijnand A. P. Van tilburg oo ah khabiir ku xeeldheer cilminafsiga oo ka tirsan jaamacadda Southampton ee dalka Ingiriiska waxa kale oo aragtidan aaminsan Eric R. Igou oo isna ka tirsan jaamacadda Limerick oo ku taalla Ireland.

“Muuqaalka magaca dhexe oo Xaraf keliya loo so oqaatay, waxa ay kor u qaadda heerka bulsho ee qofka ay dadka kale ka malaysanayaan” sidaasna waxaa lagu daabacay Joornaalka European Journal of Social Psychology” waxa aanu intaas ku sii daray in qofka caanka ah ee magaciisa dhexe xarafka koowaad laga soo qaataa uu dadka ula muuqdo ruux aqoon iyo garaad badan, karti leh isla markaana hawlgudashadiisa sarrayso, iyada oo dadku ka sarraysiiyaan xitaa dadka ka kartida iyo garaadka badan ee aan magacooda sidan oo kale u qorin.

5. Qoraalkaaga fududee:

In ereyo weyni iyo in aad af-aqoon isu muujisaa waa xeelad waayadii hore laga raadin jiray magac iyo in dadka la tuso aqoon iyo maskax badnaan. Laakiin ereyo waaweynidii iyo kelmado culus oo aad isticmaasho hadda magac iyo maskax laguma samaysto.

Cilmibaadhis sannadkii 2012ka ay samaysay jaamacadda Princeton ee dalka Maraykanka oo lagu ogaanayey raadka ka dhalan kara isticmaalka ereyada qaddiimiga ah iyo dhibaatada ay leedahay in hal meel dhowr erey oo isku macne ah loo adeegsado iyada oo aan loo baahnayn, ayaa lagu ogaaday dadka badankoodu qofka isticmaala ereyada waaweyn ay u fahmaan in uu yahay ruux aan maskax ama fariidnimo badan lahayn.

6. Qoraalkaaga yaanay ka madhnaan Garaafyo iyo Jaantusyo:

Cilmibaadhis sannadkii 2014ka ay sameeyeen Aner Tal iyo Brian Wansink oo ka tirsan jaamacadda Cornell ayaa soo jeedinaysa in dadku ay aad ugu dhowdahay in ay rumaystaan xog kasta oo ay ka uriyaan/Dhadhamiyaan cilmi, sida xogta lagu kabo garaafyada iyo Jaantusyada. “Heybadda Saynisku waxa ay keentaa awood qancineed. Xitaa haddii ay tahay masalooyinka basiidka ah ee Sayniska la idhiidha, sida garaafyada” ayaa ay daraasaddooda ku yidhaahdeen Tal iyo Wansink.

7. Si saraaxad leh u hadal:

Codka bilow illaa dhammaad isku sida keliya u dhawaaqaa waxa uu dadka u muujiyaa in uu yahay saaqidnimo iyo maangaabnimo. “Haddii laba qof ay ku hadlaan ereyo isku mid ah, laakiin midkood uu hadalka yara dedejiyo, korna u yara qaado codka, isla markaana yareeyo joogsiyada iyo hakadyada uu hadalka dhex gelinayo, dhawaqiisuna noqdo mid kala duwan (Mar kor ah marna hoos u noqonaya), waxa ay dadka dhegeysanayaan markaba xukumayaan in uu yahay ruux tamar badani ku jirto, aqoon iyo xog buuxa oo weliba fariidnimo leh” Sidaa waxaa qoray Leonard Mlodinow oo ah ninka qoray buugga, “Subliminal: How your unconscious Mind Rules your behavior” oo uu kaga waramaya awoodda ay maskaxda qaybteeda aan baraarugsanayn ay saamayn ugu yeelan karto anshaxa iyo macaamilka qofka. “Hadalka saraaxadda ah, ee codka iyo heerka dhawaqa oo is yara bedbeddelaa ku lammaan yihiin, isla markaana joogsiyada iyo hakadyada la dareemi karaa aad ugu yar yihiin, waxa uu dadka ka kasbadaa kalsooni, qofka ku hadlana waxa ay u fahmaan ruux garaad badan oo fariid ah.

8. Qofka aad wada hadlaysaan indhihiisa eeg:

Cilmibaadhis ay natiijadeedu soo baxday sannadkii 2007da oo ay hormuud u ahayd Bare-sare Nora A. Murphy oo ka tirsan jaamacadda Loyola Marymount ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in qofka aad sheekaysanaysaan oo aad indhihiisa eegtaa ay kaa bixinayso sawir ah in aad tahay ruux dareenkiisu feejigan yahay oo garaad iyo maskaxina u dheer tahay. “In qofka aad la hadlayso aad eegtaa waa furaha anhsaxa wanaagsan ee sheeko wadaagista” ayaa ay tidhi Professor Nora A. Murphy oo intaas ku sii dartay, “Waxa ay si cad ula xidhiidhaa heerka maskaxeed ee qofka, waxaana si fiican loogu guulaystay in dabeecadda eegmada qofka kula hadlaya loo adeegsado hab uu qofku ku maamuli karo fahamka uu ka qaadanayo shakhsiyaddiisa, iyo in uu qofkan u arko fariid aad u maskax badan” Sida ka cad hadalkaas khabiir Nora in aad eegto indhaha qofka aad la hadlaysaa waa hab aad u adeegsan karto in aad qofkan isugu muujiso fariid, maskax badan.

9. Si xarrago leh u labbiso:

Hore ayaa ay Soomaalidu u tidhi, “Hu’gaagu waa uu kula baryo tagaa” waxaa arrintaas si fiican u xoojinaya, fasiraad waafi ahna ka bixinaysa natiijooyin kala duwan oo ka soo baxda daraasado lagu ogaaday in labbiska aad xidhan tahay ay jaangoynayaan aragtida ay dadku ka qaadanayaan kartideenna iyo tamarta innagu jirta.

  • Kal-kaaliyaha Bare jaamacadeed ee xidha labbiska rasmiga ah (Suudhka iwm) ayaa laga qaataa faham ah in uu yahay ruux ka fariidsan inta caadi ahaan uu yahay, kana aqoon iyo garaad badan, laakiin haddana dhinaca kale waxa uu u muuqdaa ruux ka xiise yar  kuwa dhiggiisa ah ee sida caadiga ah ama xitaa yara hoosaysa isaga labbista.
  • Gabadha qaab ragannimo ka muuqato u labbisan ayaa la ogaaday in ay waraysiyada shaqooyinka kaga fiican tahay gabadha dhiggeeda ah ee qaab dheddig u labbisan.

  • Sarkaalka qaabilsan daryeelka macaamiisha ee sida aadka u quruxda badan u labbisan ayaa la aaminsan yahay in uu awood u leeyahay in uu qanciyo dad ka badan inta uu qanciyo ka aan labbiskiisu fiicnayn, sidoo kale waxa uu iibin karaa alaab ka badan ta uu iibiyo sarkaalka iibka ee aan xarragoonayn.

Daraasad ay jaamacadda Northwestern ee dalka Maraykanku samaysay sannadkii 2012kana waxaa lagu ogaaday in dadka xidha shaadhadhka dhaadheer ee caafimaadka iyo saynisyahannada lagu yaqaannaa ay dadka ka kasbadaan faham ah in ay yihiin dad maskax badan, waxa kale oo la ogaaday in dadku marka ay labbiskan xidhaan uu qudhoodana ku beermo dareen nafsi ah oo kordhinaya feejignaanta iyo fiirada maskaxdooda.

“Labbiskeennu innaga oo qudha awood iyo saamayn innaguma yeesho, balse sidoo kale waxa uu ku yeeshaa dadka kale” sidaas waxaa caddeeyey labada qoraa ee Hajo Adam iyo Adam Galinsky. Dhammaad

 

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

5 COMMENTS

Comments are closed.