Ma Rabtaa Inaad Miisaankaaga Hoos U Dhinto Mudo Gaaban Raac Talaabooyinkan

Biyuhu waxa ay ku tisan yihiin curiyeyaasha dabiiciga ah ee ugu muhiimsan qoynta jirka, gaar ahaan marka uu qofku cabbo biyo ku filan, sababtuna waa unugyo jirka ku jira oo mar kasta u baahan biyo si ay u nuugaan curiyeyaasha

cunto iyo si ay qashin qub u sameeyaan, waxaana qof ku waajib ah in uu maalintii cabbo ugu yaraan 8 koob oo biyo ah si uu u ilaashado qoyaanka jidhka ee muhiimka ah.

Biyuhu labada kelyood waxa ay ka caawiyaan qashin qubka iyo in ay suntan ka saaraan jirka, waxa aanay lagama maarmaan u yihiin dhammaan shaqooyinka kiimikaad iyo cunto shiidista ee jirka, laakiin su’aashu waxa ay tahay biyaha kululi saamayn ka myeelan karaan dhimista miisaanka?

Cilmibaaris lagu faafiyey majaladda nafaqada cuntada oo ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in koox dad waaweyn oo miisaankoodu saa’id yahay ay xeeldheerayaal caafimaad ku sameeyeen tijaabo ah in maalin kasta ay cabbaan koob biyo diirran ah, ka hor inta aanay quraacda cunin, waxaana u soo baxday natiijo ahin biyaha kululi ay caawiyaan in boqolkiiba 13 ay hoos u dhacdo heer Kalooriga (Calories) ee jirka ku jiraa, waana sababta ta keenaysa in miisaanku hoos u dhaco, marka muddo la wado cabbista biyaha kulul.

Liin dhanaanta waxaa ku jira Vitamin C oo kobciya caafimaadka iyo quruxda maqaarka jirka, sidoo kale liin dhanaanta waxaa ku jira macdanta calcium, potassium, iyo pectin fiber.  Faaidooyinka ugu waa wayn ee liin dhanaanta waxaa ka mid ah inay caawiso miisaan dhimista. Liin dhanaantu waxay jirka ka saarta sunta.

Hadaba halkaan ka akhriso 13 faaido oo laga helo cabista biyaha kulul iyo liin dhanaanta.

Liin dhanaanta waxaa ku jira Vitamin C oo xoojiya hab dhiska difaaca jirka.
Liin dhanaanta waxaa ku jira pectin fiber oo faaido weyn u leh caafimaadka mindhicirka weyn, sidoo kalana bakteeriyada la dagaalama.
Aroorta hore oo la cabo biyaha diiran ee lagu daray liin dhanaanta waxay jirka ka saaraan sunta.
Liin dhanaantu waxay daawaysaa qabowga.
Liin dhanaantu waxay caawisaa dheefsiidhka waxayna yaraysaa laab dilaaca iyo dibirada.
Macdanta potassium ee ku jirta liin dhanaanta waxay nafaqaysaa unugyada maskaxda iyo neerfayaasha.
Cabista biyaha liin dhanaanta waxay isku dheeli tiraan heerarka pH-ka jirka.
Liinta dhanaan waxaa ku jira xadi aad u sareeya oo faytamiin C  ah kaaso gacan weyn ka gaysata kicinta iyo sifaynta.
 beerka iyo in suntu raacdo biyaha.
Liinta waxay hodan ku tahay vitamin C oo hoos u dhiga laalaabka maqaarka, vitamin C-gu waxa uu dhalaaliya maqaarka waxaana u dilaa bakteeriyada dhalisa finanka.
Liin dhanaantu waxay carfisaa afka, waxayna yaraysaa ilko xanuunka iyo yiridka.
Biyaha liin dhanaanta waxay hagaajiyaan caafimaadka indhaha.
Cabista biyaha diiran ee lagu daray liin dhanaanta waxay hoos u dhigaan miisaanka jirka.
Waxaad u baahantahay koob biyo diiran ah, korka uga tuuji 1 ama 2 xabo oo liin dhanaan ah ku darso 1 qaado oo malab ah hadii aad heli karto kadibna cab, sidaan samee subax kasta quraacda ka hor

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com