Maalqabeenadu Siday Ukharash Gareeyaan Lacagta?

Maqaalkan oo uu wargeyska Geesku u turjumay Afsoomaali ayaa lagu sooban dhigay daraasad laga sameeyay sida ay u kharash gareeyaan Lacagta Maalqabeenada aduunku hadaba Marar badan waxaa dhacda in ruuxa dhaqaalihiisu hoosayn jiray marka uu dakhli fiican helo, ee hayntiisa dhaqaale korodho uu ku fikiro sidii uu kor ugu qaadi lahaa heerka noloshiisa una qurxin lahaa. Mararka qaarkoodna waxa ay gaadhaa in ruuxa oo doonaya in uu ladnaantiisa muujiyaa uu doono ka dukaamaysiga meheradaha qaaliga ah, iyo in uu wax ka iibsado meel kasta oo uu u arko in ay dadka lacagta haystaa ka adeegtaan.

Isku dhererintaasi waxa ay marar badan keentaa in qofku uu si macno darro ah u lumiyo kharash badan iyo in uu iibsado alaabooyin iyo dhar laga yaabo in kuwo ka tayo badan uu qiimo jaban ku heli lahaa, balse isaga waxa jiitay uu ahaa dukaanka oo kuwa dabaqadda sare ah. Xogo kala duwan oo la ururiyeyna waxa ay muujinayaan in dadka maalqabeenka ahi aanay aalaaba kharash ku bixin wax yaabaha qaaliga ah ee maalqabeenka loogu talagalay. Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa ay is weydiinaysaa, “Ma’ ogtahay sida ay dad maalqabeen ka ah dunidani haddana nolol hoose iskaga nool yihiin? Ma og tahay in dadka ladani ay iska ilaaliyaan kharashka badan? Weliba bakhaylnimo kama’aha ee waxa ay ka tahay lexe jecayln. Ba u fiirso qaabkha kharash isticmaal ee dhowr ka mid ah maalqabeenka adduunka. Si aynu weydiimahan jawaab ugu helno aynu eegno nolosha qaar ka mid ah maalqabeenka dunida.

Tirokoob dhowaan lagu sameeyey hab-nololeedka qaar ka mid ah maalqabeenka dunida ugu caansan iyo siyaabaha ay lacagta u kharash gareeyaan ayaa lagu ogaaday:

  1. Mark Zuckerberg: Aasaasaha facebook oo isla markaana ah agaasimaha fulinta ee shirkaddu, waxa uu ka mid yahay maalqabeennada iska ilaaliya waxyaabaha raaxada u ah nolosha iyo arrimaha fakahaadsiga loo xiiseeyo, sida baabuurta qaaliga ah.

Dharka uu xidhaa waa kuwa dadka caadiga ah ee aan shaqayn xitaa xidhan karaan, iskumana mashquuliyo in uu labbis qaaliya xidho. Tusaale ahaan waxa uu ku labbistaa garamaan inta badan midabkoodu dameeri yahay iyo Jiimisyada dadkuba wada iibsan karaan, waxa aanu wataa gaadhi qiimihiisu aanu ka badan 29 kun oo doolar qiimahaas oo marka loo eego gaadhi cusub oo Maraykan jooga aad u jaban.

Mark oo qaabkaas u nool lacagta uu iskii u leeyahay waa 50.7 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, weliba lacagta badan waxaa u dheer in uu weli yahay nin 32 sano jir keliya ah oo taagan waqtiga xarragada iyo loofarka lagu yaqaanno dadka noociisa ah.

  1. Warren Buffett sannadkii 2008da waxa uu noqday maalqabeenka ugu lacagta badan dunida, sannadkii 2015 kana waxa uu galay kaalinta saddexaad ee liiska Bilyanneerrada adduunka, guriga uu ku nool yahay waxa uu iibsaday Konton sano ka hor, oo laga siiyey 30 kun iyo 500 oo doolar. Laakiin lacagta uu Warren Buffet haystaa waa 60.8 Bilyan oo doolar.

  2. Cadiim Bariimji Waa Bilyanneer ka mid ah maalqabeenka ugu caansan dalka Hindiya, waa nin caan ku ah samofalka iyo ka qayb qaadashada hawlaha tabarruca ah, marka taariikhda koritaankiisa iyo geeddigii uu u soo maray maalqabeennimada laga warramayana waxaa Cadiim lagu tilmaamaa nin isagu isa sameeyey, (Aanay cidi soo gacan qaban), waayo waxa uu ka dhashay qoys dabaqadda hoose ah oo noloshaas hoose ku soo koray.

Cadiim oo ah nin muslim ah waxaa lagu tilmaamaa Imbaraadoorka Tiknoolajiyadda ee dalka Hindiya. Dabeecadaha yaabka leh ee uu maalqabeenkan lacagta aadka u badan sadaqada ku bixiyaa leeyahay waxaa ka mid ah, in aanu ku safrin gaadiidka dabaqadda sare qaaliga ah, marka uu dibadda u baxo waxa uu ka dheeraadaa hudheellada qaaliga ah ee loo yaqaanno Five Stars, waxa aanu kharash gareeyaa lacagta ugu yar ee suurtogalka ah.

Caadi ahaan dadka maalqabeenka ah ee dunida waxaa laga fishaa in ay isticmaalaan qalab iyo maacuun ka samaysan macdan ama walxo qaaliya, laakiin Cadiim arooskii inankiisa oo si aad ah la isugu yimid, martida waxaa cuntada iyo mac-macaanka soo dhoweynta lagu siinayey bilaydho ah kuwa warqadda ka samaysan ee halka mar la isticmaalo qof kastaana dukaanka qiime jaban kaga soo heli karo.

Cadiim lacagta kaashka ah ee uu haysto waxaa lagu qiyaasaa 16 Bilyan iyo badh doolarka Maraykanka ah, laakiin noloshiisa wax kibir iyo ka badbadin ah kuma ay soo kordhin lacagtaasi.

  1. Beyonce Knowles-Cater Oo caan ku ah Beyonce waa heesaa iyo jilaa u dhalatay dalka Maraykanka oo ku guulaysatay 20 abaalmarinood oo waaweyn. Waxa ay heesaa nimada bilowday iyada oo aad u yar waxa aanay dunida caan ka noqotay dabayaaqadii sagaashamaadkii, oo albamkeedii Dangerously in Love laga iibsaday in ka badan 11 Milyan oo nuskhadood.

Beyonce waa gabadh da’ yar oo dhalatay sannadkii 1981kii, oo heesaanimada ay u dheer tahay lacag badan oo ka soo gasha xayeysiiska dharka iyo ganacsiyo kale oo ay ku jirto maaliyaddeedana waxaa lagu qiyaasaa 450 Milyan oo doolarka Maraykanka ah. laakiin haddii heesaaga lagu bartay kharash aad u badan oo ay u isticmaalaan noloshooda gaarka ah, quruxdooda iyo labbiskooda, gabadhan dhalinyarada ah ee maalqabeenka ahi waa ay ka dabeecad duwan tahay kuwa sidaas u dhaqma.

Boyence waxa ay iska ilaalisaa iibsiga alaabooyinka iyo qalabka la isku qurxiyo ee qaaliga ah. Dadka qaar u qaadan waaya kharash yaraanteeduna waxa ay ku caayaan in dharka, dahabka ama macdanaha kale ee dumarku xidho iyo waxyaabaha ay isku qurxiso oo dhami ay yihiin oo keliya hadyadaha ay siiyaan dadka ka shaqeeya waxyaabahan oo donaya in ay xayeysiis u noqoto xidhashadeedu.

  1. Ingvar Kambrad waa maalqabeen 90 jir ah oo u dhashay dalka Sweden, sannadkii 2008da waxa uu noqday liiska Forbes ninka toddobaad ee dunida oo dhan ugu maalqabeensan. Ingvar lacagta uu hadda haystaa waa 31 Bilyan oo doolar waana ninka ugu maalqabeensan Yurub, iyo ninka Afaraad ee dunida ugu maalqabeensan.

Igfaar waa nin lexe-jeclo badan, waxaa lagu xantaa in shaqaalaha shirkaddiisa ka shaqeeya uu ka ilaaliyo in ay si aan habboonayn u isticmaalaan qalabka xafiisyada iyo maaliyadda labadaba, illaa heer uu shaqaalaha ku kaantaroolo in ay waraaqaha cadcad ee xafiiska marka ay wax ku qorayaan labada dhinacba isticmaalaan. Waxa caan ku yahay kharash yaraan iyo in uu cuntada ka cuno hudheellada dabaqadda hoose ee aadka u qiimaha jaban.

Faalo Ka Dhiibo

comments