Maamulka Madaxwayne Trump Oo Sheegay In Uu La Shaqayn Doono Gobolada Diyaarka U Ah In La Hubeeyo Macalimiinta Dugsiyada!

Qaar ka mid ah masuuliyiinta Dalka Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in maamulka Madaxwayne Trump ay caawin doonto Gobolada Dalka Maraykanka ah ee jecel in la hubeeyo macalimiinta Dugsiyada iyo in macalimiintaasi lagu tababaro sidii ay u isticmaali lahaayeen hubka fudud.

Sababta arrintaasi dhalisay ayaa waxa ay ku sheegeen in lagaga hor tagi doono falalka la midka ah falkii ka dhacay Dugsi sare oo ku yaala Gobolka Florida bishii hore kaasi oo ay ku naf waayeen 17 qof .

Mid ka mid ah la taliyayaasha Madaxwayne Trump oo magiciisa la yidhaahdo Anderw Bremberg ayaa waxa uu yidhi “Maamulka Trump waxa uu gobolada kala shaqayn doonaa sidii ay macalamiintu u heli lahaayeen tababat fiican oo isticmaalka hubka ah”.

Madaxwayne Trump ayaa hore u sheegay in ay haboontahay in la hubeeyo macalimiinta Dugsiyada dalkaasi ee qaatay tababarka Milatari si aanay dugsiyada Dalkaasi hoy ugu noqon dadka dhibaatooyinka wada .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com