Maansadan waxa curiyay  Abwaan ka mid ah Abwaanada Da yarta ah ee ku dhaqan Magaalada Hargiesa ,Abwaankani ayaa waxa magiciisa la yidhaahdaa Abwaan Sacad Jibriil Ahmed .

Maansadani ayaa waxa ay ka hadlaysaa arrimo muhiim ah oo ku saabsan hab dhaqanka haatan ka jira guuda ahaan Calaamka oo dhan iyo qaabka ay dadku isku dhaliilaan gaar ahaana dalkeen Somaliland ,waxa kale oo ay maansadani ka hadlaysa waxna u sheegaysaa dadka iska waynaysiiya dadka ee aaminsan in ay ka caqli iyo maskax iyo waliba awood badanyihiin .

 

 

 

 

Hadii aad dhameys tahay
Dhismahaaga reerkana
Dhumucdiisu weyntahay
Dhalashana ku faantahay
Dheeldheelka hadalkiyo
Dhag xumeynta aadmiga
Dhayalsiga ka kaw tahay
Ha is odhanin muu dhalan
Ruux kuu dhigmoo kale.

Abwaan: Sacad Jibriil Ahmed .

Caku dheeligaagiyo
Dhameys mabaleh aadmiye
Xisku nimuu ka dhoofiyo
Dhimir ruux qof qaba iyo
Adigoon dhalaan noqon
Adba dhawacaagiyo
Dhaliishad la dhalatee
Ruux dhabarku muuqdaa
Illeyn waa dhibaatee
Dhinacaaga maaree
Dhaqankeena diintiyo
Haka tagin xishodkana.

Aduun waa dharaariyo
Gabalkaa dhacaayee
Dhiiladiyo wacnaantana
Waa la isku dhararshoo
Dhaxalkeena weeyee
Ruux dhaawac gaystoo
Dhayayaa ma liitee
Nimay taladu dhafteyna
Dhaaxaanu aragnaye
Dhayal ruux u yidhi hadal
Illeyn waa dhibaatee
Dheel dheel ha moodine
Dhanbalkiyo warkaygani
Caku dhaanto maahoo
Ciyaar uu ka dheeryee
Dhibaatadan I haysiyo
Bal dareen dhibteydani.

Dhug u yeelo oo garo
Dhuux oo bal ila fahan
Dhaqankani xumaadee
Bulshadeenii dhawacay
Dhaymaha bal illa doon
Dhaxal aad u aydiyo
Dheef weeyi taladuye.

Ha dhibateynin aadmiga
Dhidar iyo hanoqon bahal
Dhiriq iyo hamarin qudhun
Dhamac iyo hasidan Naar
Hana noqonin dhagarqabe
Dhuxul ku reeb sidiisii
Adoomaha ha dhaawicin
Illaahbaa dhamaysee
Dhalanteedka haw bogin
Dhaayahaaga haw furin.

Waan dheeli badanoo
Dhameys mabaleh aadmiye
Ha dhaliilin ruuxnaba
Adigoon wax dheerayn
Halka uu ka dheeliyey
Adoon boogta dhayahayn
Hadalkaagu dhiiliyo
Yuu noqon mid dhawaca
Halka dhaymo loo rabo
Adigoon waxba u dhimin
Garaadkiisa dhaadhiyin
Ama aan dhibaateyn
Ka illaali dhayalsiga
Erayada dhagaha dila.

Hana noqonin dhaanraac
Ceeb ka dhawrsaneynoo
Hadalada dhunkaashiyo
Dhankii loo jiheeyaba
Dhaankiisu raacoo
Dhaqankiisu liitoo
Dhaliilin uun layuurura.

Abwaan “Sacad Jibriil Ahmed “.

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA