Qaabka uu u feedho Timaha ayaa ah mid caadi ah isla markaana waxa la mooda timaha Madaxwayne Trump in aanay ahayn kuwa Bidaari ku jirto ,haddaba waxa arrimahaasi fashiliyaya dabaylo dhacayay xili uu madaxwayne Trumo Raacayay Diyaaradiisa gaarka ah.

Donald Trump

Sawiro iyo muuqaalo ay dadka dalkaasi u dhashay ayaa waxa ay baraha bulshada aad ugu falanqeeyeen timaha Madaxwayne Trump oo Markii ay dabayshaasi timihii dhaqaajisay la arkay qaybo ka mid ah madaxiisa oo aan tima lahayn .

Gabadha uu dhalay Madaxwayne Trump ee Ivanca Trump ayaa waxa ay xili hore u sheegtay Qoraaga qoray Buuga Naar Iyo Cadho ee dhawaan soo baxay in aabaheed ay da’diisu tahay 71 jir isla markaana uu u isticmaalo qarinta bidaartiisa Kiriimo iyo qaab uu u feedho oo gooni ah .

Si kastaba ha ahaatee dabayshaasi ayaa waxa ay cadaysay Bidaarta uu leeyahay Madaxwayne Trump.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.net

KA DHIIBO FIKIRKAAGA