MADAXWAYNAHA PHILIPPINE OO NOQDAY MADAXWAYNAHA UGU XANJA CUNISTA BADAN MADAXWAYNAYAASHA ADUUNKA OO YIDHI “CUNISTA XANJADU WAXA AY DAWO KA TAHAY DHABAR XANUUNKA”!

Madaxwaynaha Dalka Philippine ayaa hadd iyo jeer waxa uu jecelyahay in uu Xanjada cuno ,Rodrigo Douterty oo ah Madaxwaynaha Dalkaasi ayaan xataa marka uu shirarka ku jiro aan joojinin cunista xanjada.

Madaxwayne Rodrigo Douterty ayaa waxa uu aaminsanyahay in cunista badan ee Xanjadu ay dawo ka tahay dhabar xanuunka .

Madaxwayne Rodrigo ayaa waxa ay Da’diisu tahay 72 jir waxa aanu jagada madaxwayne ee dalkaasi ku guulaystay sanadkii 2016kii Rodrigo ayaa waxa uu ku caan baxay intii uu madaxwaynaha Dalkaasi ahaa labiska aadka u la yaabka badan iyo sidoo kale hadaldiisa aan miisaanayan ee ka soo yeedha .

Maalintii shalay ahayd ee khamiistii ayaa waxa uu sheegay in haddiyad ugu qaalisan ee uu jecelyahay in ay dadku u hadiyadeeyaan ay tahay Xanjada Maadama oo ay hoos u dhigto xaanuunka aad u daran ee uu ka dareemo laf dhabarta.

Madaxwanye Rodrigo ayaa waxa cabasha badan ka muujiya Xanuun aad u daran oo ka haya laf dhabarta,balse Madaxwayne Rodrigo ayaan shaacin xanuunkaasi uu carabka ku dhuftay marar dhawr ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com