Madaxwayne Obama Maka Qayb Gali Doonaa Aaska Maxamed Cali Kalaay

Sida la shaaciyay Madaxwaynaha wadanka  Mareykanka Barack Obama, ayaan ka qeyb gali doonin maalinta aaska feedhyahankii  islaamka ee Mohamed Ali  Sida la xaqiijiyay Madaxweyne Obama ayaa aaska  Halyeeyga Mohamed Ali Kalaay, kaga maqnaan doona inantiisa weyn Malia oo maalinta Jimcaha  ka qalin jebin doonta Dugsiga Sare.

Aqalka cad ee mareykanka ayaa sheegay in Mr Ombaa iyo xaaskiisa Michelle ay ka qeyb gali doonaan qalin jabinta inantooda  Malia ee ka dhaceysa Washington, DC.

 

Obama ayaa ayaa reerka Mohamed Ali u soodiridoona  la taliyaha aqalka cad Valerie Jarrett kaa oo garanaya Mohamed Ali allaha u naxariistee.

Dadka caanka ah ee ka soo qeyb galaya aaska Mohamed Ali ayaa waxaa ka mid ah madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Boqor Abdallah ee dalka Jordan.

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton iyo aktarka Billy Crystal ayaa sidoo kale ka mid ah iyo waliba xiddigii hore ee miiskaanka culus ee Birtish-ka Lennox Lewis iyo aktarka caanka ah ee Will Smith.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments