Madaxwayne Obama Oo Ku Hanjabay Cidii Faraha La Gasha Wadanka Turkiga. Dhaliilna Usoo U]eediyey PUTIN

Madaxwaynaha wadanka Maraykanka Barack Obama ayaa cadeeyey in turkigu yahay xubin kamida quwadaha gaashaan buurta NATO, kadib markii dawlada Ankara soo riday diyaarad ruushku lahaa.

Obama ayaa kulan la yeeshay madaxwaynaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan kadib shirkii cimilada aduunka ee ka dhacay wadanka faransiiska salaasadii shalay.

“Waxa aan rabaa inaan cadeeyo: Turkigu waa mid ka tirsan gaashaanbuurta NATO. Maraykankuna waa uu taageerayaa xuquuqda Turkigu ku difaacayo hawadiisa iyo dhulkiisaba” waxa sidaas yidhi Obama, Xeerka 5aad ee heshiiska NATO ayaa waxa uu qeexayaa “Wadamada weerara mid kamida xubnaha gaashaanbuurta waxa loo aqoon sanayaa weerar ku yimid dhamaan xubnaha kale ee NATO”

“Dhamaanteen waxa aynu leenahay hal cadaw oo ah ISIL waxaanan idiin sheegayaa inaan diirada saarayno qodobka 5aad” Obama ayaa sidaas raaciyey hadalkiisii.

Qodobka 4aad ee Heshiiska Nato ayaa dhigaya in ciidanka NATO la hawl galiyo hadii mid kamida xubnaha lagu sameeyo “Faragalinta xuduudaha, xoriyada siyaasada ama amaanka “.

Iyada oo laga duulayo qodobka 4aad ayaa gaashaanbuurta NATO waxa ay shir degdeg ah iskugu timid todobadki hore kadib marki Turkigu soo riday Diyaaradii Ruushka, iyaga oo ku celceliyey in diyaaradaasi ay ku soo xad gadubtay hawada wadankaasi, Inkasta oo aan shirkaas waxba laga soo qaadin qodobka 5aad ee xeerka.

Mid kamid ah duuliyayaasha Ruushka ayaa dhintay kadib marku barachute ka goostay diyaaradi o gubanaysa, halka ka labaadna ay badbaadiyeen ciidanka wadanka Syria. Mid kalena naftiisa ayuu ku waayey xili uu ku jiray hawlo badbaadineed.

Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in diyaaradiisa la weeraray xili ay gudaha ugu jirtay 1 km wadanka Syria.

Isniintii, Obama ayaa waxa uu kulan ay albaabadu u xidhan yihiin kula yeesha y Madaxwayne Putin wadanka Faransiiska.

Obama ayaa sidoo kale u sheegay Putin in diyaaradaha dagaalka ee duqaymaha ka wada gudaha wadanka Suuriya ay diirada saaraan Daacish laakiin aanay beegsanin wadamada uu reer galbeedku taageero,

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com