Madaxwaynaha Dalka Maraykanka ee Donald Trump ayaa waraysi ay la yeelatay wakaalad wararka ee Ruters waxa uu ku sheegay in uu si joogta u Jimcisado.

Madaxwayne Trump oo haatan da’diisu tahay 71 jir ayaa waxa uu sheegay in uu xataa mararka qaar labada xafiis ee isku dhaw inta uu u kala socdo aanu socod caadi ah socon ee uu cararo.

Trump ayaa waxa uu si joogta ah ugu jimicsadaa Garoonka Golfta iyo sidoo kale goobta loogu tala galay jimicsiga ee ku dhex taala Aqalka cad.

Madaxwayne Tump oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waan jimicsadaa ,waanan socdaa jimicsiyo badan oo kala duwan ayaan sameeyaa ,xataa marka aan u kala socdo laba xafiis waan ordaa”.

Dhakhtarka u gaarka Madaxwayne Trump ayaa waxa uu xaqiijiyay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA