Madaxwaynaha Dalka Maraykanka ee Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in uu cabqri yahay isla markaana uu yahay qof dheeli tiran,Trump ayaa sidoo kale sheegay in iu cuno cuntooyin isku dheeli tiran oo wanaagsan.

Donald Trump

Trump ayaa waxa uu arrintaasi ka dhawaajiyay xili uu ka jawaabayay su’aalo ay waydiiyeen Suxufiyiinnka tiraan Telefiishanka ITV,su’aalahaasi oo badankooda ku saabsanaa caafimaadkiisa.

Madaxwayne Trump ayaa sidoo kale ka hadlay cuntooyinka uu cuno tayo leh waxaaba ka mid ahaa hadaladiisii ” waxa aan cunaa cuntooyin wanaagsan,waxa aan cunaa cuntooyinka ay kariyaan qaar ka mid ah dabaakhyada ugu wanaagsan Caalamka,waxa aan cunaa cunto nadiif ah ,waxa jira cuntooyin aan mararka qaar cuno ,waxa aan aaminsanahay in aan cuntada u cuno si aad u wanaagsan”.

Waraysigaasi ayaa waxa uu madaxwayne Trump sidoo kale kaga hadlay in uu dib u eegis ku samayn doono heshiiska isbeddalka cimilada ee ka dhacay Magaalada Paris ee Dalja Farnce ,waxa aanu sheegay in uu dib u eegayo in uu heshiiskaasi sii wadi doono iyo in kale.

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA