Amiir Harry iyo Madaxwaynihii hore ee Dalka Maraykanka Barack Obama ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh saaxiibtinimo oo qoto dheer.

Barack Obama ayaan lagu soo marti qaadi doonin Arooska Amiir Harry iyo Megan Mercal ee qabsoomi doona bisha April ee Sanadkan ,sida lagu baahiyay Wareyska Daily Mail ee ka soo baxa Dalka Britain .

Sababta Obama uu uga mid noqonyay madaxda ka soo qayb galaysa arooskaasi ayaa waxa ay tahay in laga hor tago muran siyaasadeed oo ka dhasha martiqaadka Obama oo kaliya maadaama oo aan Madaxwaynaha Talada Maraykanka haya haatan ee Donald Trump laftiisa aan lagu marti qaadayn arooskaasi.

Madaxwayne Trumo ayaan sidoo kale ka soo qayb gali doonin arooskaasi waxaana la xaqiijiyay in dadka ka soo qayb gali doona arooskaasi ay yihiin qoysaska iyo asxaabta lamaanahaasi oo kaliya .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA