Magaalada Cadan Oo Qaadka Laga Mamnuucay

Magaalada Cadan ee wadanka Yemen ayaa waxaa laga mamnuucay in maalmaha la shaqeynayo lagu iibiyo Qaatka, oo si weyn ay u cunaan dadka dalkaasi.

Sababta ayaa lagu sheegay in qaatka uu dhibaato dhaqaale iyo mid bulshaba u leeyahay shacabka Yemen, isla markaana biyo badan lagu waraabiyo beeraha uu ka baxo.

Suuqyada lagu iibiyo Qaatka ee Cadan ayaa madhnaa, waxaana hadda la ogol yahay in laga ganacsado maalmaha aanay shaqo jirin.

Beeraha Qaatka ayaa lagu qiyaasaa in lagu waraabiyo saddex meelood meel biyaha gabaabsiga ah ee dalkaasi.

Sanadkii lasoo dhaafay, qabiil degan magaalada Mukalla ayaa shaaciyay inuu Qaatka magaaladaasi ka mamnuucay, ka dib markii ay maamulkeeda la wareegeen xooggaga Al-Qaacida.

Faalo Ka Dhiibo

comments