Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Magaalo Ay Wada Leeyihiin Dadka It Yaxaasyo Halis Badan

Qaar ka mid ah xaafadaha ku yaalla gobolka Gujarat ee galbeedka dalka Hindiya, dadka deegaanku waxay si caadi ah isula nool yihiin yaxaasyo aad u waaweyn, kuwaasoo la ogyahay iney halis yihiin.

Janaki Lenin ayaa booqatay deegaannadaas si ay baaritaan saxaafadeed ugu sameyso nolosha qeyrul caadiga ah ee ka dhaxeysa daka iyo yaxaasyada.

“Yaxaasyadu waxay dibadda u soo baxaan marka ay saacaddu gaarto 10:00 oo kaliya”, haweeney ayaa sidaas igu tiri xilli ay soo xireysay meheraddeeda doobbiga dharka ah.

Anigu ma ahaan jirin dadka safarrada dalxiiska ah ku taga meelaha ay xayawaanaadka joogaan. Waxaan eegayay sida uu u adag yahay albaabka gurigeeda oo ku yaalla xaafad lagu magacaabo Malataj.

Sababtoo ah waxaa suurta gal ah in xilliyada habeenkii ah uu yaxaas socda soo istaago albaabka.

Albaabka markii aan eegay wuxuu iila ekaa sida albaabada kale ee caadiga ah, oo aan wax dheeri ah ama alwaaxyo lagu adkeeyay lahayn.

Markii wabiga loo dhawaado, cowska iyo biyaha ka sokeeyaba waxaa dhex jiifa Yaxaasyo aad u waaweyn.

Dadka xaafadda, oo ay ku jiraan carruurta ayaa caadi u ag jooga Yaxaasyada
Image captionDadka xaafadda, oo ay ku jiraan carruurta ayaa caadi u ag jooga Yaxaasyada

Dadka xaafaddan, oo ay ka mid tahay haweeneyda ila hadleysay, waxay ogyihiin in xayawaankan xamaaratada ah ay sannado badan lasoo noolaayeen dadka deegaanka.

Meelo badan oo ka mid ah dunida, in la arko xitaa 1 Yaxaas waxay sabab u noqon kartaa argagax weyn oo soo food saara guud ahaan shacabka.

Laakiin sidaas wey ka duwan tahay magaalada Charotar oo ku fadhisa dhul ay baaxaddiisu la egtahay 4,000 oo kiiloo mitir labajibaaran.

magaaladan waxay kala qeybisaa labada wabi ee lagu kala magacaabo Sabarmati iyo Mahi.

Ugu yaraan 200 oo yaxaas ayaa ku nool 30 xaafadood oo ka wada tirsan Charotar, sida lagu sheegay daraasad ay sameysay hay’ad iskeed isku xilqaantay.

Sannadkii 2018-kii, Yaxaasyadu waxay caalamka ku dileen 18 ruux
Image captionSannadkii 2018-kii, Yaxaasyadu waxay caalamka ku dileen 18 ruux

600 oo ruux ayaa ku nool halkii kiiloo mitir ee labajibaaran.

Waddo kasta oo ku taalla xaafadda waxaa lagu dhajiyay calaamad digniin ah oo dadka loogu war galinayo khatarta kasoo wajihi karta yaxaasyada meel walba ka buuxa.

Laakiin dadka deegaanku waxay u muuqdaan iney si buuxda ula qabsadeen xaaladda.

Maalin kasta dadka iyo Yaxaasyada waxay noloshooda kala wataan iyagoo midna uusan kan kale ka wal waleynin ama uusan wax dhib ah u geysaneynin.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat
%d bloggers like this: