Magaalooyinka Ugu Saxmada Badan Caalamka Dhinaca Wadooyinka!

 

Qiimaynta saxmada wadooyinka iyo gaadiidka Magaalooyinka Caalamka ee sanadkii hore ee 2017 ayaa waxa lagu xaqiijiyay inMagaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka ayaa ah magaalada ugu saxmada “Jaamka” badan Magaalooyinka Caalamka waxa ku xiga labada Magaalo ee NewYork iyo Moscow sida at baahisay shirkada Enrqui ee ka faaloota arrimaha gaadiidka .

Saxmada gaadiidka

Dadka ku nool magaalasa Los Angeles ayaa waxa saxmada wadooyinka ku qaateen sanadkii hore 102 saacadood ,halka dadka degan magaalooyinka NewYork Moscow ay Jaamka wadooyinka “Traafic Jam” ku qaateen 91 saacadood.

Dhinaca Dalalka marka la eego Dalka Thialand ayaa waxa uu noqday Dalka ugu badan ee wadayaasha gaadiidku ay ku qaataan wadooyinka mudada ugu badan waxaana ku xiga Dalka Indonesia waxa kale oo ku sii xiga Dalka Colombia iyo sidoo kale Dalka Vnezuela ,sidoo kale waxa dalalkaasi ku sii xiga Dalaka Ruushka oo galay Kaalinta lixaad halka Dalalka Brazil iyo Maraykanku ay isku mid noqdeen isla markaana ay wada galeen kaalinta lixaad.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com