Majaajilaystihii Loogu Jeclaa Dalka Masar Ee Soo Labayn Jiray Caadil Imaan Said Salah Oo Geeriyooday

674Allaha u naxariistee waxa maalintii shalay dalka Masar ku geeriyooday, mid ka mid ah dadka loogu jecel yahay dhinaca matalaada iyo majaajilooyinka ee dalkaas, kaas oo lagu magacaabi jiray, Sacid Salax waxaanu ahaa qofka labaad ee soo raaca majaajilaystaha wayn ee Caadil Imaan.

 

Sacid Salax ayaa sida la rumaysan yahay ka qayb galay, matalaada in ka badan laba boqol oo ruwaayadood iyo sadex boqol oo filim, oo dalkaas laga matalay muddadii uu fanka ku jiray, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Masrixiyaadkii loogu jeclaa ilaa walina aan duugoobin ee Madarasatul Mashaaqiin ay ka mid tahay.

 238292_0

Riwaayad masrixiyeedkaas aynu kor ku soo xusnay, ayay wada matalayeen, Caadil Imaan, Axmed Yaasiin, Yusra iyo dad tiro badan oo matalaada iyo masrixyaadka dalka Masar looga danbeeyo.

 

Dhinaca filimada waxa si wayn loogu xasuustaa filimkiisi Rasaastu jeebkayga kama dhamaato oo uu matalay sanadkii 1974-kii, waxa kale oo uu matalay filimo tiro badan oo ay ka mid ahayeen, Anaa Qudus oo uu sanadkii 2010-kii dhigay, waxa ugu danbeeyay filimkiisi Asaasaq ama (Alzheimer’s).

 1

Fanaankan ayaa geeriyooday isagoo sagaal iyo todobaatan jir da’diisu marayso, waxaana lagu aasay magaalada Qaahira, halkaas oo aas qaran loogu qabtay

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply