Maqaaxi (ISIS) Lagu Magacaabo Oo Ku Taala New York Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqotay Shacabka Maraykanka

Magaca Maqaaxi ku taala badhtamaha magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa noqday, mid indhaha caalamku mar qudha ku soo wada jeestaan, waxaanu magaca maqaaxidaasi sababay in warbaahinta dunida iyo ta dalka Maraykanka ay ciwaanada ugu sareeya ku soo daabacaan.

Wallow Maqaaxidani ay tobanana sanadood ku taalay magaalada New York haddana may ahayn mid si wayn loo dhaaday Magaceeda ama ay dadku aad u arki jireen, marka ay hor marayaan, balse mar qudha ayay ku noqotay sidii wax ku cusub oo kale.

Maqaaxidan ayaa boodhka hore ee ku dhegsan wajahadeeda, sida Meheradaha kale waxa ugu qoran Magaceeda oo ah (ISIS), kaas oo mulkiilayaasha leh maqaaxidaasi wakhti hore ugu magac dareen, ujeedo u gaar ahna ay iyagu ka lahaayeen, laakiin markii magacaas ay la baxeen kooxda Dacish isla markaana dagaalka ka dhanka ah Madaxweyne Obama ku dhawaaqay sidii wax cusub ku noqotay dadka reer Maraykan.

Magaca ISIS oo ah kan lagu magacaabo, dawlada Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Sham, ayaa marka afka Ingiriisiga loo badalo ay noqonaysaa (ISIS), weedhahaas oo loo soo gaabshay, (Islamic State Of Iraq and Syria).

Laakiin mulkiilayaasha leh maqaaxidan oo ka kooban labo nin oo asalkoodi hore ka soo jeeda dalka Masar, muddo dheerna deganaa dalka Maraykanka, sababta ay ula baxeen magacaasi muu ahayn mid xidhiidh la leh Islaam iyo koox ka jirta bariga dhexe midna, balse waa magac ay ka soo qaateen dadkii hore ee Faraaciyiintii dalka Masar.

Labada nin ee Maqaaxidan leh oo haysta diinta Kiristaanka gaar ahaan Mad-habta Qibdiga, laguna kala Magacaabo, Rida Labib Iyo Michel Jadallah, waxa ay magacan ka soo qaateen, sanab dadkii Faraaciyiintu caabudi jireen, oo lagu magacaabi jiray ISIS, kaas oo sawirkiisu nooca uu ekaa ku garab dhegsan tahay albaabka laga galo maqaaxida.

Sida uu jeegay Jadallah waxa ay diiwaan galiyeen maqaaxidooda wakhti aad u horeeyay, mana jirin cid magaceeda taqaanay ama uba sii fiirsan jirtay waxa ku qoran, laakiin muddo kooban gudaheed ayaa afarta xaraf ee ku qoran boodhkeedu noqday, mid qof kasta oo jidka marayaa eego marka uu isha qac ku siiyana si deg deg ah u istaago.

Waxa dhacay in dad badan oo warbaahinta ka shaqeeyaa soo booqdeen, isla markaana boqolaal jeer lagala soo hadlay, taas oo ku kaliftay in ay kuraas hor dhigtaan, si dadka ka anfariira ay uga qanciyaan sababta ay magaca ugu bixiyeen maqaaxidooda iyo inay u fasiraan inuu ka horeeyay kooxda Dacish.

Wakhti ay dunidu ku mashquulsan tahay, duulaanka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Imaarada Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Sham lagu magacaabo, ayaa warbaahinta dunidu

Sida aynu dhamaanteen ka wada war qabno, wakhtiyadii ugu danbeeyay waxa ay dunidu ugu hadal hayn badan tahay, dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday dawlada Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Sham, (Islamic State In Iraq and Syria), waxaanay kooxdaas iyo sida ay dunidu ku yeelaysaa, noqday ajandaha ugu wayn ee hadheeyay doodihii hogaamiyayaasha dunidu.

Arrinta kale ee xiisaha badan ee la xidhiidha Maqaaxidan iyo magaceeda ayaa ah, in ay ku soo beegantay wakhti hogaamiyayaasha dunidu isugu tageen, magaalada New York, halkaas oo ay kaga qayb galayaan, shirwaynaha guud ee qaramada Midoobay, ee sanad laha ah.

Kaas oo waxyaabaha hadheeyay sanadkan ay ugu wayn tahay, duqaynta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Dacish (ISIS), sida warbaahintu sheegtayna waxa ay Madaxweynayaasha sida adag kooxdaas uga hadlaya la jaareen, Maqaaxi magaca kooxdaas sidata taas oo Obama iyo David Cameron ku dhawaadeen inay ka soo shaaheeyaan.

Maqaaxidan ayaa ah mid kuwa laga shaaheeyo ah, waxa kale oo ay caan ku tahay, qiijinta shiishada ama badeecada sida Somalidu ugu yeedho, taas oo laga helo, laakiin magaca ISIS ee albaabka ugu dhegsani waxa uu ka dhigay mid sidii wax cusub u soo shaac saaray.

Mulkiilayaasha Maqaaxidan oo la waydiiyay saamaynta uu ku yeeshay magacani, ayaa sheegay in ay ka baqdeen, in la moodo in taageerada kooxdaas ay ula baxeen, sida ay tilmaameena culayska ka soo gaadhay ay damceen inay magaca ka badalaan, laakiin aanay taasi suura gal u noqon karayn, sababtoo ah? Iskama bixin karaan, lacagta diiwaan galinta iyo bedalaada Magaca oo dhan sideed kun oo dollar.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply