Dalka Maraykanka ayaa waxa muddooyinkan dambe ku soo badanaya dilalka ay gaystaan dadka shacabka ahi kuwasi oo sita hub ay leeyihiin waxaanay dadkaasi galaaftaan noolosha dad badan oo dalkaasi ku nool .

Maalmo uun ka hor ayay ahayd markii uu Gobolka Florida ka dhacay dil aad u fool oo ay ku naf waayeen 17 arday oo dhiganayay dugsi sare oo ku yaala Magaalada Parkland waxaana dilkaasi ku kacay arday hore u dhigin jiray Dugsigaasi .

Ardaygii 17 Arday Toogtay

Dadka u dhashay Dalkaasi ayaa waxa ay bilaabayaan olole ka dhan ah hubka sida sharciga ah ay u hantiyaan dadka u dhashay Dalkaasi waxa aanay codsanayaan in dib u eegis lagu sameeyo xeerka kala iibsiga hubka.

Waxaana la filayaa in ardayda dugsigaasi ay la kulmaan Xubin ka mid ah Congress- ka Dalka Maraykanka waxa aaanay ka wada hadli doonaan sidii lo joojin lahaa iibinta hubka,qaanuunka dalka Maraykanka ayaa waxa uu dadka dalkaasi u dhashay u ogolaanayaa in ay iibsan karaan hubka isla markaana guryahooda ku haysan karaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiea.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA