Maraykanka :Gabadh Ka Baxasatay Gurigii Waalidkeed Kadib Markii Ay Ku Qasbeen In Ay Guursato Nin Aanay Arag!

Gabadh u dhalatay ku nool dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka Texas kana mid ahayd ardayda wax ka barata mid ka mid ah dugsiyada sare ee dalkaasi ayaa waxa ay ka baxsatay gurigooda .

Gabadhan oo magaceeda la yidhaahdo Ma’rib Al-xashmaawi da’deeduna tahay 16 jir ayaa waxa ku sababay in ay gurigooda ka cararto lagu sheegay in labadeeda waalid ay ku qasbeen nin isla markaana ay u sheegeen in ay ninkaasu u guurinayaan balse ay Ma’rib diiday arrintaasi,intaasi kadib ayaa labada waalid ee dhalay ay bilaabeen in ay maalin walba garaacaan kadib markii ay garaacaasi u adkaysan wayday ayay go’aansatay in ay ka cararto guriga waalidkeed.

Ciidamada Billayska Dalkaasi ayaa waxa ay sheegeen in labada waalid ee dhalay gabadhaasi oo kala ah Abdala Fahmi Al-xashmaawi oo da’diisu tahay 34 jir iyo hooyadeed oo magaceeda la yidhaahdo Xamdiya Al-xashmaawi ay si arxan daro ah u garaaceen sidoo kalana ay ku shubeen saliida cuntada oo ay karkariyeen.

Waalidka dhalay gabadhani ayaa waxa ay go’aansadeen in ay nin magaali kale oo dalkaasi Maraykanka ah dagan ay u guriyaan waxa aanu ninkaasi u balan qaaday labadaasi waalid in uu siin doono 20 kun oo dollar haddi guurkaasi hir galo .

Labadaasi waalid ayaa waxa loo taxaabay xabsiga kuwaasi oo sugayo ciqaabta lagu fulin doono sidoo kalana gabadhaasi ay dhaleen ayaa waxa la geeyay goob ka mid ah goobaha lagy xanaaneeyo caruurta.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com