Markab Siday MUUS Oo Lagu Qabtay Maandooriye Lagu Qiimeeyay $ 250 Milyan

Spain (Hawraar) – Ku dhawaad lix tan oo maandooriyaha cocaine-ka loo yaqaanno ah ayaa la helay iyadoo lagu soo qariyay muus saaran markab ku soo xidhay Dekedda magaalada Algeciras ee koonfurta dalka Spain.

Maandooriyahan ay qabteen booliiska iyo waaxda cashuuraha ayaa ah mid ka mid ah daroogadii ugu badnayd ee Yurub gaadha labaatankii sano ee u dambeeyay.

Maandooriyahan ayaa lagu qiimeeyay 249 milyan oo doolar. Markabkan ayaa ka yimid magaalada Medellin ee dalka Colombia wuxuuna u socday magaalo xeebeedka Barcelona.

Booliisku ma sheegin waxa ay uga shakiyeen markabka, laakiin markii ay labo koonteenar si fiican u baadheen ee ay waxba ka waayeen ayay kii saddexaad ka heleen cocaine-ka.

Booliiska sida milatariga u tababaran ee Spain ayaa sheegay in ay xidheen saddex ruux oo midkood Spain u dhashay loona malaynayo in uu yahay hoggaamiyii shabakadda iyo labo kale oo u kala dhashay Honduras iyo Boortaqiiska, labo ruux oo kalena baadhitaan ayaa ku socda.

Waa daroogadii labaad ee ugu badnayd ee abid Spain lagu qabto. Sannadkii 1999-kii ayaa la qabtay 7.6 tan oo saarnayd markab ay saarnaaayeen shaqaale Ruush ah iyo kuwo Belarussian ah.

Sannadkii 2016kiina 171kg oo cocaine ah oo lagu soo qariyay muus macmal ah ayaa isla dekeddan lagu qabtay, balse hadda moos sax ah ayaa lagu soo dhex qariyay.

 

Hawraar.net/Hargeisa Office

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com