Markii Ugu Horaysay Ee Madaxwayne Afrikaan Ah Lagu Maxkamadeeyo Wadan Afrikaan Ah

Madaxwaynihii hore ee dalka Chad Hissene Habre ayaa lagu helay dambiyo aadanaha ka dhan ah, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Maxkamadayntiisu waxay ka dhacday dalka Senegal isga oo la saaray maxkamad gaar ah oo Midowga Afrika uu taageero.

Dambiyada lagu helay waxaa ka mid ah tacadiyo ka dhan ah aadanaha, jidhdil iyo dambiyo dagaal.

Dacwad oogaha maxkamadda ayaa dalbaday in Habre xabsi daa’in lagu xukumo, taa oo uu ku mutaysanayo dambiyo la sheegay in ay gaysteen ciidamo boolis ah oo gaar ah, muddadii uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanaddihii 1982 iyo 1990, laakiin eedaymahaas wuu diiday.

25 sano ayay dadka dhibanayaasha ah u ololaynayeen  in Mr Habre cadaaladda la horkeeno

Habre ayaa laga qabtay Senegal 2013 halkaas oo uu dibad joog ku ahaa, kaddib markii xilka laga tuuray 1990.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Afrikaan ah lagu maxkamadeeyo dal Afrikaan ah, isagoo loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin jidhdil, kuwa dagaal iyo kuwa ka dhan ah bini’aadannimada.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments