Hargeysa, (HR)- Martida metelaysa Somaliland ka qayb-gali doona Bandhigga Somali Week Festival oo isugu jira Abwaanno, Mulaxamiisteyaal, Fanaaniin iyo Musiishan ayaa la filayaa inay todobaadkan ka degaan magaalada London ee carriga Ingiriiska oo sannad kasta lagu qabto.

Bandhig sannaddeedka Somali Week Festival ayaa ah mid sannad kasta lagu soo bandhigo Suugaanta Soomaalida iyo hibooyinka kala duwan ee dadka ku hadla afka Soomaaliga kuwii hore iyo kuwa cusub ee casriganba iyo weliba sidoo kale dhaqanka Soomaalida.

Bandhiggan ayaa sannad kasta waxa lagu faaqidaa hal-kudheg gaar ah, kaasoo laga eego dhinacyo badan oo macnawiyan ah. Hal-kudhegga sannadkan ayaa ah Hogaamiyaha iyo Hal-abuurka (Leadership and Creativity).

Waxaana Bandhiggan hirgeliya Ururka Dhaqanka ee KAYD, isla markaana waxa sand kasta lagu marti-qaadaa Fanaaniin, Musigyahanno, Gabyaa, Aqoonyahanno, Dhaqan-yaqaanno iyo Hal-abuurro kala duwan, kuwaasoo ka kala yimaada Somaliland, Soomaaliya, Mareykan, Yurub iyo waddamo kale oo badan.

Waxaana sannadkan Somaliland laga casuumay Fanaaniinta Caabi Mirre Dacar, Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-geenyo), Musiishanka caanka ah Axmed-weli Ibraahim Maxamuud (Furrinle), Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) iyo Mulaxamiista weyn ee Soomaaliyeed Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir).

Martida Somaliland ee sannadkan ayaa la filayaa inay todobaadkan gudihiisa gaadhaan magaalada London oo lagu qabto Bandhigga Somali Week Festival. Martida kasocota Somaliland oo ah kuwa ugu cad cad sannadkan ee ka qayb-galaya bandhiggaas, waxaana la filayaa inay kaga qayb qaataan hibooyinka kala duwan ee ay xubnahani ku suntan yihiin.

Martida sannadkan ee ka socota Somaliland ayaa bishan 18-keeda ka duuli doona madaarka magaalada Hargeysa, iyagoo isla 19-ka bishan October la filayo inay gaadhaan London, kaasoo Bandhigga Somali Week Festival uu furmi doono 21-ka bisha October.

Fanaaniinta Caabi Mirre Dacar, Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-geenyo) iyo Musiishan Axmed Ibraahim Furrinle ayaa la filayaa inay bandhigga sanadkan 2016 ee Somali Week Festival wacdarro ka muujiyaan.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA