waxa jira marxalado shan ah oo uu qofku maro inta uu ku jiro xaalad murugo ah waxa aanay kala yihiin shantaasi xaaladood:

1/ Is Diidsiin waxa uu qofku is diidsiiyaa xaalada uu ku jiro isaga oo ka cabsi qaba in dadka ki xeerani ay u arkaan in uu yahay qof daciifa .

2/ Cadhada: Hadd iyo jeer xaalada murugada xaalad cadho taasi oo keenta laba arrimood oo kala ah in uu qofku xiligaasi ku kaco ficil aan wanaagsanayn oo dhibaato keena ama in uu amuusnaado muddo dheer aamusnaantaasi oo uu qofku ka doonayo in uu isku dajiyo.

3/ Qiimayn iyo is barbar dhig: Xaaladani ayaa ah mid uu qofku isku barbaryo dhigayo waxa ku dhacay in ay yihiin wax dhab ah iyo in kale waxa aanay arrintaasi sababaysa in ugu dambaynta uu qofku u hogaansamo mashaacirtiisa.

4/ Ka dheeraanshaha Dadka Iyo goobaha ay farxadu ka jirto:Arrintaasina waxa ay sababaysaa in uu qofku kali noqdo sidaasi awgeed marxaladani waxa ay tahay marxaladaha ugu adag ee qofku soo maro murugada ka hor .

5/ Waxa uu qofku soo saaraa waxa uu uurka ku hayo in dareenkiisa gudaha intaasi kadib ayaa waxa uu dareema nafis halkaasina waxa ku soo gabagabooba xaaladii murugo ee uu ku jiray.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA