Hawraar (Danda) waa dhacdo aad u la yaab badan oo ka dhacday Dalka Masar.

Dalka Masar ayaa waxa ka dhaca arrimo aad u la yaab badan ,waxaana ka mid ah Ardayad u dhalatay Dalkaasi oo saddex nin mid kastaba si gaar ah u guursatay isla markaana kula heshiisay in si Curfi ah isku guursadaan isna qabaan muddo kooban waxa aanay ka qaaday lacag aad u badan oo qiimaheeda lagu sheegay 45,000 oo Lacagta Dalkaasi ah.

Nimanka ay haweenayda beenta kula dhaqantay ayaa waxa ay dhamaantood ba iska barteen baraha bulshada kadibna waa ay kulmeen,baadhitaano ay ciidamaduu sameeyeen ayaa waxa lagu cadeeyay in haweenaydaasi la helay saddex waraaqadood oo ay mid kastaba isku guursadeen nin gaar ah.

Gabadhani ayaa waxa ay dhalatay sanadkii 1996kii waxa aanay qiratay in ay arrintaasi ku kacday oo ay saddexdaasi nin guurasatay oo mid waliba been kula dhaqmi jirtay.

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA