Facebook Login JavaScript Example

Masar : Lamaane is Jeclaa kuna guulaystay in ay is guursadaan balse ku kala tagay Khiyaamo uu Ninkii ku kacay Habeenkii Arooskooda !

Hawraar (Qaahira) Lamaane kasta oo xidhiidh Jacayl ku dheehano dhex maro waxa ay Jecelyihiin haddi Jacaylkaasi dhab yahay in ay ku guulaystaan,guushaasi ayaa ah in ay wada noolaadaan oo ay ia guursadaan .

Khiyaamadu waa shayha burburiya Qoyska islama markaana meesha ka saara Kalsoonidii ay labada qof isku qabeen.

Magaalada Qaahir ee Dalka Masar gaar ahaan Xaafada Al-maraj Al-shacbi ayaa waxa ka dhacday arrin aad u fool xun kadib markii nin Aroos ahaa uu habeenkii xaflada Arooskiisa gaar ula baxay fanaanadii ka heesaysa xaflasa intaasi kadibna ay aragtay aroosadii.

Aroosada oo magaceeda la yidhaa Safa ayaa waxa ay isla markiiba arrintaasi ka soo Report-garaysay saldhigii ugu dhawaa ,Safa ayaa waxa ay askarta ku war galisay in ay aragtay arrin lama filaan ah taasi oo ahayd in ay aragtay ninkii ay is guursadeen oo si gaar ah ula baxay Fanaanadii ka heesaysay xafladoodii Arooskeeda.

Aroosada Safa ayaa waxa kale oo ay sheegtay in ay xaqiiqsatay in Ninka Aroosay uu Jacayl u qabay Fanaanadaasi balse labadooda uu Calafku isku simay oo aanay muddo badan wada sheekaysanin.

Safa ayaa sidoo kale waxa ay sheegta in markii ay aragtay isku aragtay ninkeedii iyo fanaanadii ay fanaanado gacan u qaaday isla markaana ay ku tidhi erayo ay ka mid ahaayeen “Kuu ogolaan maayo in aad Jacaylkayga iga qaado”.

Safa ayaa sidoo kale sheegtay in isla goobtii uu ku furay ninkii ay is guursadeen ,dhinaca kale ciidamada ayaa sheegay in fanaanadii oo magaceeda la yidhaahdo suuma xabsiga loo taxaabay isla markaana lagu gudo jiro sidoo arrintaasi loo xaqiijin lahaa waxaana haatan la baadi goobayaa ninkii Arooska ahaa ee falkaasi foosha xun ku kacay isla markaana maxkamada la hor keeno.

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com