Dalka Masar ayaa waxa ka dhaca dhacdooyin aad u la yaab badan kuwaasi oo aanay dadka dunida ku nool badankoodu malaysan karin,dhacdooyinka dalkaasi ka dhaca ayaa waxa ay yihiin kuwa loo adeegsado xeelado aad u la yaab badan isla markaana aan la malaysan karin .

carur yaryar oo dhibaataysan

Bogg Internet-ka ah oo u gaar ah Iibinta Caruurta yaryar ayaa waxa laga hir galiyay Dalkaasi Masar, fariinta soo dhawaynta Boggasi uu ugu horayn ku soo dhawaynayo qofka booqda ayaa waxa ay u dhignayd sidan “waxa aan haynaa caruur iib ah oo Da kastaba leh qof kasta oo doonaya in uu iibsado amase uu korsado waa u diyaar “,Boggasi ayaa waxa uu buslhada reer Masar ku noqday yaab iyo argagax .

Boggasi ayaa waxa uu soo bandhigaa waxyaaba kala badan oo uu ku suuqa gaynayo iibinta caruurta yar yar ,waxa aanay caruurtaasi iskugu jiraan ku yaryar oo haatan dhashay iyo kuwa aan la garanaynin cida dhashay oo da’hoodu kala duwanyihiin .

Qiimaha iibka caruurtaasi ayaa ah mid kala duwan waxa aanu ku xidhan yahay haddba qaabka uu ilmahaa yari yahay haddi uu gabadh yahay amase wiil yahay iyo sidoo kale midabka ilmaha yar haddi uu cadyahay amase uu madaw yahay iyo sidoo kale xaalada caafimaad.

Kadib markii boggaasi la daba galay ayaa waxa la xaqiijiyay in uu aasaasay Injineer Isgaadhsinta ah oo u dhashay Dalkaasi waxaana Injineerkaasi magiciisa la yidhaahdaa Raami Al-jibaali ,ka hor intii aanu boggaasi asaasin ayaa waxa uu Facebook ka sameeyay Bogg gaar ah oo uu ugu magac daray “Caruurta Lunsan”,boggaasi ayaa noqday mid si aad ah loogu kala iibsado caruurta yaryar waxaana jira nin ku nool Dalka Holland ayaa ah ninka iibka ugu badan ka gaysta bogaasi .

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA