Masuuliyiinta Kooxda XIdigaha Geeska oo beenisay Warsaxaafadeed Been Abuur ah oo lagu baahiyey baraha internetka

     Hargeysa (hawraar Murti iyo Madadaalo)  Bahda Shabakada Hawraar ayaa si ay u xaqiijiso warsaxaafadeed lagu baahiyey shabakadaha Internetka kaas oo nuxur kiisu ahaa in kooxda xidigaha geesku joojisay wada shaqayntii ka dhaxaysay Xukuumada Somaliland iyo xidigaha ayaan wax ka waydiinay Gudoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska Xasan Saleebaan DHuxul ugu horeyna waxaan waydiinay
Suaal : Gudoomiye Waxaa jirey warsaxaafadeed lagu baahiyey baraha internetka 03.09.2014 kaas oo lagu sheegay in kooxdda xidigaha geesku joojisay wada shaqaynta Xukumada iyo Kooxdiina u dhaxaysay Maxaa ka jira?
Waxaanu ku jawaabay Gudoomiye Laabsaalax : Horta waxaan u sheegayaa Warbaahinta inay Hubiyaan Jiritaanka warka ay baahinayaan oo ay la xidhiidhaan cida uu quseeyo Warku isir raacna ku sameeyaan xogaha iyo wararka ay ugudbinayaan bulshada u horaadan inay helaan Xog dhab ah
Arintan lagu Baahiyey Website yada iyo Baraha kala duwan ee laga daalacdo Wararka iyo Fariimaha Akhristayaasha waa mid waxba kama jiraan ah oo aan sal iyo raad toona lahayn
Sidoo kale Wuxuu soo saarey gudoomiyaha kooxda xidigaha geeska Xasan Saleebaan Dhuxul Laaabsaalax War Saxaafadeedkan hoos ku xusan

                                                                                                                                                                DATE : 03.09.2014
                                                          WARSAXAAFADEED

          BEENIN WARSAXAFEED BEEN ABUUR AH OO LAGU BAAHIYEY BARAHA INTERNETKA

Waxaanu halkan ku Beeninaynaa Wararka Lagu Baahiyey Baraha Internetka ee lagu sheegay in kooxda xidigaha geesku joojisay wadashaqayntii ka dhaxaysay Xukuumada Somaliland
Waxaanan halkan ku cadaynaynaa in warkaasi uu yahay mid been abuur ah oo ay sameeyeen dad ejeedo gaara ah leh doonayana inay Magaca, sharafta iyo sumcada kooxda xidigaha geeska wax yeelaan
Magaca Xidigaha geeska waxa ku hadli kara oo kaliya maamulka iyo gudida fulinta ee xidigaha geeska haday dalka joogaan iyo haday dibada joogaanba
Waxaanan ka raali galinaynaa Dhamaan Taageeraayaasha Fanaaniinta Xidigaha Geeska
Waxaan uga digaynaa cidkasta oo ujeedo siyaasadeed iyo mid gaar ahaaneedba lihi inay isku Been Abuurato Magaca Kooxda Xidigaha Geeska
Kooxda Xidigaha Geesku waa Koox jecel dadkooda iyo dalkooda
Magaca Kooxda Xidigaha Geeska
Allaa Mahadleh
Gudoomiye Xasan Saleebaan Dhuxul
(Laabsaalax)

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply