Urta ka soo baxda afka qofka ee ay dhibsadadaan dadka ku xeeran ayaa waxa ay dad aaminsanyihiin in ay sababta u tahay nadaafada ilkaha oo uu qofku ilaalin waayo .

Ma aha oo kaliya sababta keenta Urta ka so baxda afka qofku mid ka dhalata nadaafad la’aanta ilkaha balse waxa jira xanuuno sababa urtaasi .

Waxaana ka mid ah xanuunadaasi sababa Urta afka Sanboorka ,xanuunka macaanka iyo sidoo kale xanuunada ku dhaca beerka ,iyo sidoo kale Bigteetiyada ku dhalatay Caloosha qofka .

Waxa kale oo sababi kara Urtaasi dawooyin ka mid ah dawooyinka uu qofku caafimaad ahaan u isticmaalo waxaana ka mid ah dawooyinkaasi dawooyinka dhiig karka loo cuno .

Haddaba dhamaan arrimahaasi kor ku xusan ee sabab Urta ka soo baxda afka qofka ee ay dhibsadaan dadka ku xeerani waxa uu qofka iskaga ilaalin isaga oo joogteeya nadaafada afkiisa mar kasta kuna dedaala in uu isticmaalo dawada afka lagu maydho.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA