Dalka Iran ayaa waxa ka dhaca arrimo badan oo cajiib ah balse markani waxa arrin aad u la yaab badan noqotay in haweenay u dhalatay dalkaasi ay ka soo qayb gashay ciyaar kubada cagta ah oo ka dhacaysay garoonka Asard ee Magaalada Tahran ee Dalkaasi.

Haweenay samaysatay Gadh iyo Shaarubo si ay uga qayb gasho daawashada Ciyaar ay lahayd koox ay taageerto

Haweenaydan ayaa waxa ay soo samaysatay gadh iyo shaarubo kuwaasi oo ay u samayatay kaliya in ay ciyaartaasi kaga qayb gasho,xukuumada Iran ayaa waxa ay dhawaan haweenka u dhashay dalkaasi ka joojisay in ay soo galaan garoomada ay ciyaaraha kubada cagtu ka dhacayaan .

Haweenyadan ayaa noqonaysa haweenaydii labaad ee sidaasi samaysa tan iyo intii haweenka dalkaasi laga joojiyay in ay ka soo qayb galaan garoomada,haweenaydan ayaa waxa ay ka qayb gashay ciyaartii kubada Cagta ee dhex martay labada kooxood ee Istiqlaal iyo pars ee ka dhisan dalkaasi haweenaydaasi ayaa waxa la sheegay in ay si aad ah u taageerto kooxda Istiqlaal sidaasi awgeedna ay u badheedhay gadhkaa iyo shaarubaha ay samaysatay.

Dadka ku dhaqan dalkaasi ayaa waxa ay aad u dhaleeceeyeen sawirka haweenahdaasi oo lagu baahiyay baraha bulshada.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawaar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA