Maxaa u dambeeyay oo uu soo dhigay Bogiisa facebook-ga Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax)

Bogan waxaanu ugu tala Galay inaan Ereyada iyo Dhacdooyinka ugu dambeeya ee Abwaanada iyo Fanaaniinta ay gaadhsiinayaan Bulshada inaan kusoo baahino hadaba maxaa u dambeeya Caawa iyo Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) halkan ka akhri gabay dhawaan soo bixi doona

Nin Ragaa Wax Sixi Kara
Ama Qalad Samayn Kara
Nin Ragaa Ka Socon kara
Gaf Sokeeye Kagaa Yimid

Nin Ragaa ninkii sira
Siduu Yeelay Aan Falin-
Digashana Ka Saahida-
Dulmigana Ka sara Kaca

Nin Ragaa Sar-gooyoo
Markay Talo Siloontahay
Xalka Samo Ku Doonoo
Inta uu la simanyahay
Ku dhex yeesha saamayn

Nin Ragaa Sadkii Yahay
Samir Inuu ku Talo Galo
Saban Inan Gumeedkoo
Aan hoorsan sacabada
Ama Sooryo Dhagareed
Damaciisa Aan Sudhin…… Laabsaalax-

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply