Maxaad Ka Ogtahay Saamaynta Jacaylku Uu ku Yeesho Caafimaadka Qofka Wax Jecel.

Daraasado is-huwan oo ay sameeyeen khubaro u dhashay dalka Maraykank oo lagu soo bandhigay shir lagaga hadlayey cilmi-nafsiga bulshada iyo shaqsiyadda dadka (Personality and Social Psychology), ayaa lagu caddeeyey xidhiidhka ka dhexeeya caafimaadka bani?aadamka iyo jacaylka,waxaanay cilmi-badhisahaasi badka soo dhigeen in jacaylku saamayn ba?an ku yeesho caafimaadka qofka.

Mid ka mid ah cilmi-baadhisahan oo laga qaaday 34 lammaane wada nool oo laga baadhayey
heerka hormoonnadooda isku buuqa (cortisol) keenaa taagan yihiin, gaar ahaan waqtiyada lammaanayaashi kala xidhiidh furmaan, waxa lagu ogaaday inay halis badan ugu jiraan qaadista xannuuno noloshooda sahayda.
Waqtiga dadku kala xidhiidh furmaan, gaar ahaan dadka is-qaba amma kuwa is-jecel waxa
ku dhaca xannuuno badan oo nafsaani ah, waxaanay daraasadahani iftiiminayaan in marka
labada qof xidhiidhkoodu sii jiro uu caafimaadkooduna sii wanagsanado.? Sidaa waxa tidhi
cilmi-baadhe Lisa Daimond oo ka tirsan Jaamacadda Utah ee dalka Maraykanka.

Cilmi-baadhis kaloo ay fulisay Jaamacadda Florida State University, ayaa iyadana lagu
ogaaday in jacaylka xad-dhaafka ah ee labada qof isku qaadaan uu sababo inay noqdaan qaar
cadho badan oo dulqaadku ku yar yahay, badanaana cuqdad ka qaada qof kastoo qurux
badan oo ay is-yaqanaan.
Waxa kaloo darsaadahaas ku lammaan cilmi-badhis uu fuliyey MIT Sloan School, taas oo lagu
shaaciyey in marka ugu horraysa ee qofku damco inuu jacaylkiisa sheegto lammaanihiisa uu
waqti badan kaga lumo, dhibaato caafimaadna ka soo gaadho.

abdiqani xasan farah ( gadari)

suxufigadari@gmail.com

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply