Maxaad Ka Taqaan 10 Ka Mobile Ee Dunida Ugu Qaalisan? Maxayse Ka Samaysan Yihiin?

Mobileda ayaa waxa ay aad muhiim ugu yihiin nolosha aadamaha, Mobilada ayaa waxa ay fududeeyeen isgaadhsiinta dunida, Waxa aanan qormadeenan caawa ku soo qaadan doonaa 10ka mobile ee dunida ugu qaalisan iyo qiimahooda.

10. Vertu Signature Diamond

10 Most Expensive Mobile Phones

Mobilekan oo ay soo saarto shirkada Vertu. Shirkadan ayaa caan ka ah dunida waxaanay soo saartaa mobilo aad u kala duwan oo qaali ah, Mobilekan ayaa waxa ku wareegsan ugu yaraan 200 oo jab oo Diomond ah qiimihiisuna waa $88,000.

9. iPhone Princess Plus

10 Most Expensive Mobile Phones

Telefankan ayaa waxa soo saarta shirkada Apple, isaga oo ah mobileka 9aad ee dunida ugu qaalisan. Mobilekan ayaa waxa nashqada iska leh nashqadiistaha caanka ah ee reer Austria, Peter Aloisson. xaga danbe waa dahab halka ay ku wareegsan yihiin 180 jab oo Diomond si qurux badan loo googooyey, Qiimaha mobilekani waxa weeyi $176,400.

8. BlackDiamond VIPN Smartphone

10 Most Expensive Mobile Phones

Mobilekan ku jira kaalinta 8aad ee mobileka ugu qaalisan dunida, Mobilekan ayaa loogu yeedhaa Sony Ericsson’s Black Diamond. Ninka lagu magacaabo Jaren Goh ayaa sameeyey nashqada mobilekan, qiimaha mobilekan ayaa dhan $300,000.

7. Vertu Signature Cobra

10 Most Expensive Mobile Phones

Mobilekan ayaa fadhiya kaalinta 7aad ee mobileda, nashqadan ayaa waxa ka muuqda mas nooca Copra loo yaqaan oo dhinaca kaga yaala, Waxa nashqada sameeyey dahablaha faransiiska ah ee lagu magacaabo Boucheron, waxa ku yala dheeman, 2 indhood oo emerald ah iy 439 macdanta rubies loo yaqaano.

6. Gresso Luxor Las Vegas Jackpot

10 Most Expensive Mobile Phones

Mobilekan ayaa waxa lagu sameeyey wadanka Switzerland sanadkii 2005. waxa uu ka samaysan yahay 180 gram oo dahab ah, dabadiisa danbe waxa ay ka samaysan tahay loox lagu isticmaali jiray Afrika 200 oo sano ka hor, looxan ayaa ah ka aduunka ugu qaalisan waxaanay qiimihiisa ka dhigtay $1 Million.

La Soco Qaybta Hadhay.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com