Maxaad Ka Taqaan 10-ka Shabakadood Ee Loogu Booqashada Badan Internet-ka?

In badan oo ka mid ah akhristayaasha ayaa laga yaabaa inay aaminsan yihiin in marka laga hadlayo shabakadaha loogu booqashada badan dunida, ay suura gal tahay inay noqdaan kuwa wararka ama dhacdooyinka dunida baahiya, hasa yeeshee marka laga hadlayo waxyaabaha dadku xiiseeyaan iyo shabakadaha loogu booqashada badan yahay, wararka iyo dhacdooyinku maaha kuwo sabab u ah.

Shabakadaha loogu booqashada badan dunidu gaar ahaan tobanka ugu horeeyaa u badan yihiin kuwo aan xidiidh la lahayn, dhacdooyinka siyaasada iyo wararka ee dunida, balse waxa ay saamaynta ugu wayn ku hantiyeen, adeegyada wada sheekaysiga iyo xidhiidhka ee ay dadka u sahleen, waxa kale oo soo raaca shabakadaha baadhitaanka waxyaabaha uu qofku raadinaya u sahla.

Shabakada koowaad ee dunida ugu horaysay wakhti xaadirkan ayaa ah Facebook, oo shabakad xidhiidhka bulshada qaabilsan, waxaanu Facebook, kaalintaa ka cidhiidhsaday shabakada baadhitaanka ee Google oo iyadu muddo dheer kaalinta koowaad kaga jirtay dunida.

 

Laakiin Google ma sii fogaan oo waxa ay wakhtigan ku jirtaa kaalinta labaad, taas oo aanay ilaa wali muuqan cid ku soo cidhiidhyaysa, Google waxa kale oo ay ka mid tahay shabakadaha lacagta ugu badan soo saara, kaydka ugu badan dunida ee xogaha, muuqaalada iyo taariikhda laga helo.

Kaalinta sadexaad waxa ku jirta shabakada muuqaalada Video-ga ah ee dunida ugu horaysa, oo ah Youtube, taas oo iyada lafteedu ka mid ah shabakadaha shirkada Google ay leedahay, waxaana shabakadan oo la sameeyay sanadkii 2004-tii, ilaa wali haysataa kaalinta ugu horaysa ee shabakadaha baahiya muuqaalada fidiyowga ah, halka ay kaalinta sadexaadna kaga jirto shabakadaha loogu booqashada badan yahay dunida.

Kaalinta afraad waxa soo galaya shabakada Yahoo, taas oo iyadu ka mid ah shabakadihii ugu horeeyay ee xidhiidhka bulshada, laakiin sababo qaab dhismeedkeeda la xidhiidha iyo siyaasad xumo soo waajahday marar kala duwan ay ku keentay in laga qaado kaalmaha ugu horeeya ee booqashada internet-ka.

Kaalinta shanaad waxa ku jirta shabakada dadka intooda badani ugu yeedhaan Google-ka Shiinaha ee lagu magacaabo, Baidu.com, shabakadan ayaa dadka iyo dalka Shiinaha ugu jirta kaalinta Google-ka oo kale, waana shabakada ay wax walba ka baadhaan, waxaana inay kaalinta shanaad ee shabakadaha loogu booqashada badan dunida gasho u sii sahlay, markii dalka Shiinaha laga mamnuucay shabakada Google.com.

Shabakada lixaad ee loogu booqashada badan yahay internet-ka aduunka ayaa ah, Wikipedia.org, taas oo ah shabakad si tabaruc ah ay uga hawl galaan, mutadawaciin aan macaash doon ahayn, waxaanay shabakadan caan ku tahay macluumaadka shakhsiyaadka, juqraafiga dunida, taariikhda iyo maadooyinka cilmiga sayniska iyo tignoolajiga dunida, laakiin maaha shabakad lacag doon ah sida la tilmaamay.

Kaalinta todobaad waxa ku jirta shabakadaha loogu booqashada badan yahay internet-ka ee dunida, shabakada, Amazon.com, shabakadan ayaa lagu tilmaamaa suuqa ugu wayn dhinaca internet-ka aduunka ee wax lagu kala iibsado,waxaana si wayn u isticmaala dadka suuq galinta u qaabilsan shirkadaha waaweyn ee dunida.

QQ.com, oo ah shabakada ugu wayn dalka Shiinaha ee adeega dhinaca internet-ka u fududaysa muwaadiniinta dalkaas ayaa iyadu kaalinta sideedaad kaga jirta shabakadaha loogu booqashada badan yahay dunida internet-ka.

Live.com, ama (Windows Live), oo ah Ijiinka laga baadho macluumaadka shabakada Microsoft ayaa iyadu ku jirta kaalinta sagaalaad, waxaanay shabakadan si gaar ah u bixisaa adeegyo kala duwan oo internet-ka iyo tas-hiilaadkiisa la xidhiidha waxa kale oo dheer in laga baadho macluumaadyada kala duwan ee la xidhiidha barnaamijyada Microsoft bixiso, kaas oo ah barnaamijka loogu isticmaalka badan dunida marka laga hadlayo kaambuyuutarada.

 

Shabakada tobnaad ayaa ah iyaduna mid laga leeyahay dalka Shiinaha, taas oo lagu magacaabo, Taobao.com, waxaanay shabakadani tahay ta ugu balaadhan dhinaca suuq galinta iyo iibka dhinaca internet-ka ee dalka Shiinaha, sida muuqatana waxa uu dalka Shiinuhu noqday waddanka labaad ee Maraykanka kula loolamaya internet-ka dunida, wallow dawlada dalkaasi ay gacmo bir ah ku kantaroosho adeegsiga internet-ka ee muwaadiniinteeda.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply