Maxaad Ka Taqaan 10ka Helicopter Ee Ugu Dheereeya Dunida. Qaybtii 2aad

Waxa aynu qormadeenan ku soo qaadan doonaa liiska 10ka diyaaradood ee dunida ugu dheereeya oo aynu qaybtii hore ku soo falan qaynay cinwaana uga dhiganay Maxaad Ka Taqaan 10ka Helicopter Ee Ugu Dheereeya Dunida.

7. Ka-52 “Alligator”
Ka-52-Alligator
Diyaarada Ka-52 Alligator waa diyaarad dagaal oo aad u horumarsan waxa horumariyey shirkada KDB Kamov Design Bureau iyaga oo uga dan lahaa sahanka iyo hawlgalada dagaalka ee ciidamada cirka wadanka Russia. waxa ay ku duuli kartaa xawaare dhan 300km/h, Ka-52 waa diyaarada (Helicopter) ee ugu dheeraysa aduunka. Diyaaradan ayaa loo ddhisay burburinta tawaangida, burburinta saldhigyada gaashaamaan.

Diyaaradan taxadirka badan waxay leedahay 2 kursi waxaanay ku qalabaysan tahay 2 injiin oo VK-2500 turboshaft ah (2,400hp midkiiba). Mishiinadan awooda badan ayaa waxa ay u ogolaadeen diyaaradan inay duusho joog dhan 5,000m (16,404ft). waxa ay kici kartaa xaaladaha daran ee kulaylka iyo Qabowga.

6. NH90
NH90
NH90 waa diyaarad dhexdhexaad ah waxa ay qabataa shaqooyin badan. Waxa loo qalabeeyey inay u adeegto ciidanka gaashaan buurta NATO una keento dalabaadkooda xiliyada dagaalka waxa kale oo ay u shaqaysaa ciidamada bada. Diyaarada ayaa leh xawaare cajiib ah oo dhan 300km/h taas oo ka dhigtay mid kamida diyaaradaha ugu dheereeya dunida.

Diyaaradan ayaa leh laba mishiin iyada oo loo qalabeeyey laba nashqadood oo kala duwan. Mid kamida ayaa waxa ay gaar u tahay ciidanka taaktikada waxana lagu magacaabaa Tactical Troup Transport(TTH) iyo diyaarada NATO Frigate Helicopter (NFH). Diyaaradan ayaa fulisa dhamaan dalabaadka bada iyo beriga ee ciidamada, habeen iyo maalinba. Jooga diyaaradani kacdaa waxa uu dhan yahay 3,200m (10,500ft) iyada oo ku kacaysa 2,200ft/min.

5. AgustaWestland AW139
AgustaWestland-AW139-Setair
Diyaaradan ayaa ah mid cusub oo leh laba mishiin oo Twin-turbine ah waxa horumariyey sameeyeyna shirkada AgustaWestland. Xawaaraheedu waxa uu dhan yahay 306km/h iyada oo noqonaysa diyaarada 5aad Ee dunida(Helicopter) ugu dheeraysa. AW139 ayaa waxa ay qaadi kartaa 10 askari oo u qalabaysan si wayn ama rakaab dhan 15 qof iyada oo xawaare dheeraynaya ku soconaysa.

La Soco Qaybta Hadhay.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com