Maxaad Ka Taqaan 10ka Helicopter Ee Ugu Dheereeya Dunida.

Helicopterada ayaa ah gaadiidka ugu saamaynta badan dhinacyada dagaalka, daabulida ciidanka, rakaabka iyo waliba sahay qaadashada. Inaad u isticmaasho dagaal ama aad cid ku badbaadiso waxa aad u baahanaysaa xawaare badan oo diyaaradaadu yeelato. Halkan waxa aan idinku soo gudbinaynaa liiska 10ka diyaaradood ee ugu dheereeya dunida.

Diyaarada ugu dheeraysa helicopteradu waa Eurocopter X3. Diyaaradan ayaa ah diyaarad ciidan oo ku duuli karta xawaare gaadhaya 487km/h. Diyaaradan ayaa ayaa gaadhay inay ku duusho xawaare dhan 255 knots (Cabirka xawaaraha diyaaradaha) oo u dhiganta (472 km/h) mar ay duulaysay koonfurta wadanka France June 7 2013. waxa kale oo ay gaadhay 263 knots (487/h) mar kale.

10. AH-64D Apache
Boeing-AH-64-Apache
Diyaarada AH-64D Apache ayaa ah diyaarada ugu horumarsan ee isticmaalka noocyada badan ee dagaalka ee ciidanka wadanka maraykanka. diyaaradan ayaa sidoo kale kamid ah diyaaradaha ugu dheereeya dunida. Waxa ay gaadhi kartaa xawaare dhan 284km/4 wakhtiyada kulaylka badani jiro.

Diyaaradan AH-64D Apache ayaa leh 4 baad, labo injiin oo nooca turboshaft loo yaqaan, taayir danbe oo lagu xukumo markay dagayso iyo laba dirawal oo kala danbeeya lloguna tala galay dagaalka iyo waliba hagida diyaarada. Awooda halkii mishiin ee diyaradan ayaa dhan 1,890shp waxa ay gaadhi kartaa joog dhan 15,895ft (4,845m) iyada oo ku kici karta 2,915ft/m (888.53m).

9. Mil Mi-26 (Halo)
Mil-Mi-26-Halo
Diyaaradan Mi-26 ayaa loogu tala galay rarida alaabta culus, waxa soo saaray shirkada Rosvertol ee soo saarta qalabka duulimaadyada ee Russia. Diyaarada ayaa leh xawaare dhan 295km/h taas oo ka dhigtay diyaarada(Helicopter) 9aad ee ugu dheeraysa dunida. Waa diyaarada ugu wayn uguna awooda badan ee qaadi karta diyaaradaha xamuulka ah.

Diyaaradan ayaa ah waxsoosaarka ugu badlaadhan ee diyaarad ku qalabaysan laba D-136 Turbo-Shaft Engines (Leh Awooda 11,400hp midkiiba). Waxay gaadhi kartaa duulimaad dhan 800km iyada oo isticmaalaysa shidaalkeeda waxa kale oo ay ay gaadhi kartaa joog dhan 4600m (15,091ft).

8. Mi-28N Night Hunter
Mi-28N-Night-Hunter
Diyaaradan ayaa ah diyaarad laga leeyahay wadanka Russia iyada oo ku duuli karta jewi kasta oo cimiladu yeelato, Habeen iyo maalinba, waxa ay leedahay muraayad oo wax laga arki karo, laba kursi oo ah kuwa si automatic ah isku tuuraya marka diyaaradu dareento halis aanay ka badbaadi karin. Diyaaradan ayaa loogu talagalay sahanka iyo burburinta gaadiidka cadawga (Baabuurta gaashaaman iyo baabuurta lagu daabulo ciidanka). Diyaarada ayaa ku socon karta xawaare dhan 300km/h marka dagaal ay taxadirayso misana dhow kula jirto diyaaradaha NH90 iyo Ka-52, kuwaas oo xawaare la mida keeda ku duulaysa.

Diyaaradan Mi-28 ayaa ah diyaarad weerar oo casri ah iyada oo leh laba mishiin oo ah nooca VK-2500 iyaga oo leh Awood dhan 2,200hp midkiiba. Mishiinada turboshaft ayaa la istaadhaa marka diyaarada Mi-28N ay fulinayso ku duulida joog dhan 5,600m iyada oo sida miisaan dhan 10,900kg.

LaSoco Qaybaha Kale

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com