10 =Aljeeriya (Algeria)

Wax badan waxa uu wadankani ka shabahaa dalka Masar iyo Nigeria, waxa uu door muuqda Ciidamadiisu ka qaataan xaalada siyaada qaarada tan iyo sanadkii 1962, ka dib markii ay wadanka Faransiiska xoriyadoodii ka heleen, waxaana madaxweyne ka ah nin da’ ahaan weyn oo lagu magacaabo Cabdicasiis Mutafiiqa, kaasi oo ku guulaystay afar doorasho oo is xiga laga soo bilaabo tan iyo sanadkii 1999. Wadankani waxa uu si weyn ugu guulaystay inuu ka hortago kacdoonkii carabta ee lagu ridayey Madaxda wadamadaasi, kaasi oo loo yaqaanay Gugii Carabta, kaasi oo ka bilaabmay wadanka ay jaarka yihii ee Tunisa sanadkii 2010, laakiin dagaalkii xulafada NATO ku qaadeen khalkhalkii Libya ee ay xilka kaga tuureen hogaamiyihii dalkaasi ee Mucamaral Qadaafi waxa uu wadankani ku yeeshay saamayn, gaar ahaan Aljeeriya barigeeda iyo koonfurteeda, kaasi oo ay xad kala wadaagto Libya, Mali iyo Niger, laakiin xaalada xadka u dhaxeeya Aljeeriya iyo Maroko oo kaga began wadanka Aljeeriya dhinaca galbeed, waxa ay ka wada qayb qaataan nabad ilaalinta, iyada oo Wadanka Aljeeriya leeyahay ciidan aad u sareeya oo kharashaad aad u badan lagu bixiyo, kaasi oo ka mid ah Shanta wadan uu ugu cudada ciidamada badan Afrika.

9=Zimbabwe

Wadan lagu xanto inuu yahay wadan laga cabsado, dedaal badan la galiyey, Zimbabwe waa Libaaxa xudunta u ah wadnaha macdanta. Waa wadanka kaliya ee aan ka qayb galin shirarka horumarinta ee ay hagaan wadamada reer Galbeedku, iyada oo nidaamkooda horumar ka fikiro Mugabi, iyada oo arintaasi kentay simbiririxasho dhaqaale, waxaana lagu tilmaama in faa’iidada ay leedahay arintan uu wadanku gaar uga fikiriyo horumarkiisu ay tahay in wadanku u gaar ahaado qaniinimo dhaqaale, taasi oo hore u soconayo wadanka dhaqaalihiisa. Faa’iidooyinkan dhaqaale waxa uu wadanki ka dhaxlay dabeecad shaqo adayg, kor u kac waxbarasho iyo inay si weyn u awoodaan dhisitaanka ciidamo nidaam iyo awood leh oo xudun u ah Afrika, waxaanad ku arkaysaa qaninimo ay yeesheen dadka gudaha wadankaasi ku nool, iyaga oo maalgashi iyo saamayn ku yeeshay wadamada ku xeeran, iyaga oo maalgashi ka samaystay muwaadiniinta wadankaasi ka soo jeedaa wadamada Congo iyo Koonfur Afrika, sidoo kale waxa ay maalgashigooda iskala gooshiyaan Misaanbiiq ilaa Angola, waana tamarta lagu awooday in laga fikiro wixii gudaha dhaafsiisan iyo iska indho tirka reer Galbeedka, kaasi oo ka duwan xaalada wadankaasi taala iyo waxa ay ka sheegaan.

8 =Rwanda

Qarannimo ka go’an dadka reer Rwanda iyo hogaamiye awood leh, kana go’an yihiin horumar iyo nabad ayuu dalkaasi u horseeday madaxweynaha haatan dalkaasi ka taliya ee Pual Kigame, iyada oo lagu tilmaamo dawladdiisu inay tahay Injiinka horusocodka ugu wacan dalkaasi. Qof kasta oo waxa uu iska dhaadhiciyey kuna hanwayn yahay in wadankoodu yahay wadamada ugu horeeya ee tusaalaha u noqday dunida maanta iyo soo qaadashada fursadaha horumarineed oo dhan. Dadka qaar ayaa is weydiin kara tani sidee ayey suurto gal ku noqotay? Sababta oo ah Rwanda waxa ay dooratay inay waligood noqdaan dad is jecel, rajo ka qaba cadaadis kasta oo ku yimaadaa inuu dhammaan doono, is cafin iyo xalin khilaaf iyo dagaalo wixii ku sabsan iyo qaaditaanka wadada horumarka iyo cidhibtirka musuqmaasuqa, tani waa tusaalaha qodobada saxda ah ee keentay in dunidu dalka Rwanda ay jeclaadaan, iyada oo sababahana lagu sheego inay yihiin waxyaabaha loo sheego dadka si ay u booqdaan dalkaasi Rwanda, marka aad booqato ama aad taariikhda dalkaasi tixraacdana Rwanda waxa ay wax ka bedalaysaa naftaada.

Awoodda Ciidanka:

Ciidamada Wadankaasi Rwanda waa kuwo si fiican u abaabulan, waxaana loo yaqaanaa inay yihiin iftiinka ka hortaga khilaafaadka. Qaramada midoobay ayaa sidoo kale ciidamada aad ula dhacday xirfadooda, gaar ahaan goobaha hawl galada ay ka fuliyaan ee bulshada dhexdeeda ah, ka dib hawl galo qaramada midoobay wateen oo ay ka fuliyeen goobo shacab.

7 =Uganda

Ciidamada Uganda maaha kuwa ugu awooda badan Qaarada Afrika, balse waxa ay ka mid yihiin kuwa ugu hawl galka badan xaalada nabad doonka qaarada, iyaga oo wakhtiyo kala duwan ka sooo hawl galay ilaalinta iyo dhex dhexaadinta nabad ilaalinta iyo wax ka qabashada wadamada qaarada Afrika, waxaanay sanadkii 1993-kii ka qayb qaateen joojintii xasuuqii ka dhacay wadanka Rwanda, hawlgalkii Kenya ee sanadkii 2008-dii, iyaga oo ilaa maantana ka hawl gala wadanka Congo, nabad ilaalin ay u tageen wadanka Koonfurta Sudan iyo hawl galka AMISOM ee Somalia oo ay Ciidamadani ka qayb yihiin, waxaanay hawlgaladaasi ay ciidamadani ku jiraan aan u badheedhin wadamada ay ciidamadoodu ugu awooda badan yihiin qaarada Afrika sida wadanka Koonfur Afrika iyo Wadamada Carabta Afrika. Sidaasi ayey ayuu wadanka Uganda kaga mid noqday wadamada ugu saamaynta badan Qaarada Afirka.

6= Nigeria

Nayjeeriya (Nigeria) waa wadanka ugu badan dhaqaalaha, dadka qaarada Afrika, sidoo kale wadankani waxa soo wajahay caqabado uu kala siman yahay shanta wadan uu ugu wanaagsan qaarada Afrika, sidoo kale waxa uu wadani la taariikh yahay Itoobiya, Masar iyo Aljeeriya, sidoo kale waxa soo maray xukun milatari ku dhawaad 33 sano ka dib wakhtigii uu xoriyadda qaatay oo ku beegnayd 1960-kii. Dhaqaalaha ugu badan waxa uu ka soo galaa wadanka Nayjeeriya Saliida (Shidaalka IWM), taasi oo kaabta horumarka dhaqaalaha, sanaacada, iyada oo wax soo saarka saliidu kor u qaaday qiimaha lacagta dalkaasi ee loo yaqaano Neera (Naira).

Marka loo eego dhaqaalaha wadankaasi 90% waxa uu ka yimaadaa Saliida, waana waxa u badan ee ay dibada u dhoofiso, Waynaanta uu wadankani ka mid yahay wadamada ugu waaweyn Afrika waxa uu ku hagi karaa inuu noqdo wadan saamayn ku leh aduunka.

Siyaasadda wadanka Nayjeeriya waa mid adag, isla markaana dagaalo badan leh, waxaana sababay in wadankaasi ka kooban yahay dad qabiilo kala duwan ka soo kala jeeda, diimo kala duwan haysta, marka qoto loogu daadago dalkaasi waxa lagu tilmaamaa inuu ka jiro qorshe musuqmaasuq oo abaabulan iyo habacsanaan dedaalada dawladda ah, taasi oo keenta inay caqabad weyn ku noqoto saamaynta dawladdu dalkaasi ku leedahay.

Sanadkii 2014-kii kooxda Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuqmaasuqu (Transparency International’s Corruption Perceptions Index) waxa ay cilmi baadhisteedii sanadkii 2014-kii wadanka Nayjeeriya ka gashay kaalinta 136, cilmi baadhistan lagu sameeyey 175 wadan, taasi oo ka dhigaysa wadanka ugu musuqmaasuqa badan shanta wadan ee ugu weyn qaarada Afrika. Hadana, marka dhinaca horumarka dhaqaalaha laga eegayo ma jiro wadan Afrikaan ah oo la tartami kara wadanka Nayjeeriya.

Sida ay cadaynayso Cilmi baadhis ay samaysay hay’adda nidaamka dhaqaalaha iyo warshadaha (Industrial and Financial Systems). Warbixinta hay’adda Ifs ayaa sheegtay in dhaqaalaha wadanka Nayjeeriya uu sanadkii 2014-ka oo la sameeyey cilmi baadhistan kobiciisu gaadhay $525 billion (Shan boqo iyo shan iyo labaatan Bilyan), isla markaana sanadka 2040 gaadhi karo $4.2 trillion (Afar dhibic laba Tirilyam), taasi oo cilmi baadhistan lagu sheegay in wadanka Nayjeeriya dhaqaalaha dunida ka ahaan doono 2% (laba boqolkiiba), halka uu 2014-kii ka ahaa 0.7% (boqolkiiba eber dhibic todoba). Korodhka doorka ay Afrika ku leedahay Dunida waxa dhigaysaa mustaqbalka Nayjeeriya inuu noqdo wadanka Afraad ee ugu dadka badan dunida sanadka 2040, marka laga reebo dalalka China, India iyo Mareykanka.

5= Morocco

Wadanka Marooko (Morocco) waxa la tilmaamaa inaanay su’aal ka taagnayn inay noqonayso goobta ugu istaraatijisan Qaarada Afrika, marka loo eego korodhka Shirkadaha dooranaya inay wadankaasi Marooko maalgashadaan, markaasi ka dibna suuqa qaarada Afrika si xawli ah ku helaya. Wadanka Marooko Juquraafi ahaan waxa uu ku dhaw yahay qaarada Yurub, siyaasadiisuna waa mid degan, waana goob ay si weyn looga helo helo tartanka shaqaalaha xoogaysatada ah, isla markaana faa’iidooyin badan shirkaduhu ka soo hooyaan. Marooko xilligan siyaasadeedu waxa ay degan tahay xilli badi wadamada ku yaala Woqooyiga Qaarada Afrika ay sii kordhayaan dagaalada ka jiraa, taasi oo wadamada la jaarka ah saamayn weyn ku yeelatay Gugii Carabtu. Marooko waxa ay si weyn uga hortagtay in xadgudubyo ka dhaca wadankeeda, ilaa haddana waa goobaha ugu waaweyn qaarada ee ganacsi ahaan la beegsado. Wadanka nabada caanka ku ah waxa uu dalbaday in la kobciyo warshadaha soo saarka Gaadiidka hawada ee loo yaqaano (aeronautical industry), iyada oo boqolaal Malaayiin oo Dollar ay shirkadaha sameeya diyaaradaha iyo qalabka gaadiidka hawadu ku maalgaliyeen wadankan Maroko, sidaasi ayaanay kaga mid tahay wadamada ugu saamaynta badan Qaarada Afrika.

4 =Kenya

Kenya waa hoyga dad tayo leh, iyada oo wadankaasi yahay wadan ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee aqoon leh qaarada Afrika, sidoo kale wadanka ugu xawaaraha badan koritaanka dhinaca Tiknooliyada Qaarada. Kenya dhinaca horumarka dhismayaasha waxa ay si weyn ula tartamaysaa wadanka Koonfur Afirka iyo Carabta Afrika, waana hoyga xirfadlayaasha aqoonta leh qaarada ka soo baxaan iyaga oo dunida oo dhan ka shaqaysta. Codaymaha qaar ayaa gaadhsiiyey inay tahay meelaha ugu wanaagsan ee dunida lagu noolaado, marka laga eegayo dhinaca dedaalka dadka la galiyey, waxaana jira qoxoonti badan oo uu wadankani qaabilay, iyada oo lagu tilmaamo jaarka ugu wanaagsan qaarada, waxaanad maqashaa maalin kasta muhaajiriin ka imanaya Uganda, Tanzania, Somalia iyo xitaa Ethiopia, waxaanay soo gaadhaan dhuldaaqsimeedka wadankaasi, iyaga oo Kenya ugu noolaada sidii hoygooda oo kale. Kenya waxa ay ka shaqaynaysaa goob Satellite ay ka samayso oo ku yaala goobta loo yaqaano Malindi, iyada oo dawladdu qorshaynaysa inay bilawdo barnaamijyo lagu baranayo cilmiga hawada sare si ay ugu dirto Satalayt hawada sare. Sanadkii 2008-dii dawladdu waxa ay soo saartay barashada cilmo hawada ku sabsan oo lagu baranayo Jaamacadaheeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Cilmiga xidigiska (astronomy). Sidoo kale waxa ay ku dedaalaysaa kor u qaadista cilmiga Tiknoolajiyada iyo dhismaha goobo u gaar ah sida California Kenya oo tamar badan la galiyey.

3= Masar (Egypt)

Masar waa wadan Carab u janjeedha hadana Afrikaan ah, waana wadan Ilbaxnimooyin sameeyey qarniyo ka hor. Masar waxa lagu tilmaamaa Wadankii u horeyey dunida ee Qaran noqda, waxaanay mar kale xoriyadooda ka qaateen Ingiriiska sanadii 1953, iyaga oo ka hor xoroobay wadamada kale ay ka mid yihiin Aljeeriya, Nayjeeriya iyo Koonfur Afrika, xoriyadaasi ka dib Siyaasada iyo dhaqaalaha wadankaasi waxa si weyn ugu lug lahaa Ciidamada Saamaynta badan ee wadankaasi, waana mid ka mid ah wadamada ugu dhaqaale koboca badan Bariga dhexe iyo Afrikaba. Sanadihii la soo dhaafay dalka Masar waxa khalkhal galiyey Kacdoono, iyada oo 7 bishii March, 2011-kii kacdoon dadweyne lagaga tuuray Maxamed Xusni Mubaarik taladii wadankaasi, iyada oo xukunkii Madaxweynahaasi galaaftay kacdoonadii caanka noqday ee Guga Carabta loo yaqaanay, kaasi oo badi wadamada Woqooyiga Afrika saameeyey. Masar waa mid ka mid ah goobaha dalxiiska dunida, sidoo kale waa mid ka mid ah goobaha aqoonta laga barto, iyada oo ay ku taala Jaamacadda ugu weyn dunidu ee loo yaqaano Azhar, taasi oo ay ka soo baxeen Jaamiciyiin dunida wax weyn ku taray Aqoonta diinta Islaamka iyo aqoonta Maadiga ahba.

2= Itoobiya, (Ethiopia)

Sida la tibaaxo Itoobiya maaha oo kaliya Qani, balse waxa ay leedahay Taariikh, Xornimo dheer, Awood Ciidan, Siyaasad, Dublamaasiyad IWM, markaad dhinacyadaasi ka eegtana ma jiro Wadan Afrikaan ah oo dhinacyadaasi kaga saamayn badan qaarada gudaheeda. Itoobiya waxa ay xoriyadeeda ka difaacatay Talyaaniga, waxaanay wakhtigaasi ka dib dadkii madoobaa xaqiiqsadeen inay diidaan gumaysiga, Itoobiya waa wadanka kaliya ee Xora ee aanay maamulin awoodo shisheeya (xitaa Maraykanka iyo Ingiriisku), Afrikaankuna way xaqiiqsadeen inay macquul tahay xor ahaanshuhu oo adiga oo dad madaw ah aad yeelan karto taariikh. Itoobiya waxa ay leedahay Kalandar u gaar ah, far u gaar ah, waxaanay Afrikaanku ka barteen in nolol u gaar ah samaysan karaan sida Itoobiya oo kale oo aan cidna ku xidhnayn. Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya (Ethiopian Airways): Itoobiya waxa ay diyaarad yeelatay wakhti ku dhaw 1940-meeyadii wakhtigaasi oo wadamada Afrikaanka ah la il daraayeen dagaalo iyo gumaysi, Ninkii ugu horeeyey ee madaw ah ee diyaarad kiciya ayaa lagu tilmaamaa inuu ahaa Itoobiyaan magiciisu ahaa Ato Alemayehu, sidoo kale ninkii u horeeyey ee madaw Afrikaan ah ee ku guulaysta billada dahabka ee Olombikada (Olympic), waxa uu ahaa Abebe Bikila oo u dhashay wadanka Itoobiya, isaga oo ku guulaystay sanadii 1950-meeyadii, kaasi oo orday wadada Rome, isaga oo muujinayey sida wadankiisa Itoobiya iskaga difaacayey dagaalka gumaystayaasha ayaa waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan tuso in wadankayga Itoobiya mar kasta aan difaacayey, igana go’an tahay”.

1= Koonfur Afrika (South Africa)

Koonfur Afrika (South Africa) waa wadanka kaliya ee ka mid ah labaatanka wadan ee Dunida ugu dhaqaalaha badan (G20) iyo is bahaysiga loo yaqaano BRICS (Brazil, Russia, India, China iyo Koonfur Afrika), sidoo kale waa wadanka kaliya ee Afrika kaga jira wadama Midawga Yurub Istaraatijiyada is gaashaan buuraysi ka dhaxeeyo, sababta oo ah Koonfur Afrika waa wadanka ugu weyn ee xidhiidhka ganacsi ka dhaxeeyo wadamada Midawga Yurub, waxaana wadanka muuqaal u ah guushii halgamaagii Nelson Mandela iyo dhaqdhaqaaqiisii Caalamiga ahaa. Koonfur Afrika ilaa sanadii 1994-kii waxa kor u sii kacayey saamaynta uu ku leeyahay qaarada Afrika, iyada oo ay sabab u noqotay koritaanka dhaqaalaha wadankaasi oo xawli ku sii socda. Si kastaba ha ahaatee muuqaalka taalada Mandela iyo hiigsiga kala guurka dimuqraadiyadu hoos ayuu u dhacay sanadihii u dambeeyey, waxaana sidoo kale hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha wadankaasi, sidoo kale waxa hoos u dhac ku yimid maaalgashigii iyo kalsoonidii maalgashadayaasha wadankaasi ku dhiiran lahaa iyada oo ay sababtay xadidnaanta sharciga wadankaasi. Qaarada Afrika iyo bariga dhexe waxa ay qayb ka qaateen inay noqdaan goobaha ugu khilaafka badan dunida, taasi oo la saadaaliyey inay saamayn ku yeelanayso Qorshaha horumarinta wadankaasi. Iyada oo wadanka Koonfur Afrika noqday wadan ay soo galaan dhaqaale dhex dhexaad ah.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA