Maxaad Ka Taqaan Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi “Xasan Ganay”?

Baro Abwaanka iyo Hormoodka Ummada, Abwaan Mujaahid Xasan Xaaji Cabdilaahi “Xasan Ganay”

Bahda Mareegta Farshaxan

Dhabba waliba ceelkeed

Ummad waliba dhaqankeed

Dhalashana tixraaceed

Dhegtu sheeko doontaye

Dhar maxaan lahaan jiray

Maxaan xoolo dhaqan jiray

Maalintay dhannaantahay

Dhulka yaa u halgami jiray

Geesiga u dhiidhiyey

Yaa dhiiga kicin jiray

Dhinte yaa xogtiisa og

Taariikhda yaa dhiga

Dhidibkeedu waa kuma

Dhug u yeesha maansada

Hiddihiina dhaabane

Murtidiina dhuuxa ah

Suugaanta dhumucda leh

Hibadiina dhaladka ah

Dhaxalkiina weeyee

Dhawrta idinkaa lee

Xasan X. Cabdilaahi “Xasan Ganey”

Xasan X. Cabdillaahi (Xasan Ganay)

Xasan X. Cabdillaahi (Xasan Ganay)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi waxaa aad loogu tibaaxaa inuu xishood badan yahay, khilaafkana aanu u heelaneyn, deeqsina ku ah gacan furnaan, isagoo walibana leh waji furan. Xasan Ganay waxaa lagu baadisoocaa xulashada midhaha si hagar la’aaneed looga soo dheegay baaxadsooraha dhaqankeena mudan amaanta dheeraadka ah, waxaa maanka akhristaha ama dhegaystaha raad ku reeba markuu abwaanku dhexjibaaxo sooyaalka hab dhaqankeenii suubanaa laguna ladhey deganaanta, kalsoonida, wax wada qabsiga, is xushmeynta, iwm. Halka ay dadka qaarkood si kalsooni leh ugu hibeeyaan abwaanka inuu yahay hormoodka curinta suugaanta ku asteysan hidaheena iyo dhaqankeena.

Haboonaan laheydaa qalinka curdinka ah ee loo igmadey qorista buugaagta dhawaanahan in abwaankani uu ka mid noqdo dadka la hordhigo ee inaga hufa inta aan lala wadaagin bulshaweynta ku hadasha afka soomaaliga si looga ilaaliyo ku dhafida dhaqan aynaan ku sumadeysneyn ummad ahaan, sidoo kalena laga dhawro ku xad gudubka inta aynu ku tirino birmageydada eey diinta iyo hidaheena suubani ka mid yihiin.

Jiritaanka ummad kasta waxaa sal u ah koboca ama hoos u dhaca afka ay ku hadlaan ku yimaada, waxaana tarmiya oo koriya luqada abwaanada iyagoo sugaya isticmaalka eray bixinteeda una adeegsanaya hab maanseed si qurux badan loo xardhay, kuna dhiirigaliya ummada inay dib ugu hadaaqaan, imisaa jira eray aad isticmaalkiisa gabaabsi ku tiring laheyd oo ay maansadu soo noolayso. Hadaba abwaanada u heelan hawshan waxaa ka mid ah Abwaan Xasan X. Cabdilaahi “Xasan Ganay” oo aad looga dharagsan yahay halka uu ummada Soomaaliyeed kaga jiro. Waa aftahan ku xeel dheer dhaqanka, deegaanka iyo cilmiga dhirta aadna u dhiirigaliya in mar walba loo heelanaado ku sugnaanta ilaalinta hab dhaqameedka ummada, kana soo hor jeeda in si qun yar ah loo sii daayo hase yeeshee raba in la sii gudbiyo sida ku cad geeraarkan ku jiray ruwaayadiisii Masiibadu aanay codkeeda turxaantu ka reeban tahay inagu soo gaadhsiinaysay Cadar Axmed oo u dhaxday abwaanka:

Waqtigu wuu sunsumayaa

Midna waa la sugayaa

Soo jire ma noole’e

Qarni waliba wuu socon

Safna wuu ka daba dhalan

Hadba kooda sarakaca

Waxa sahayda uga taga

Kii horee sagootiyey

(Xasan Ganay)

Barnaamijkeenan “Baro Abwaanka” ee bahda mareegta farshaxan inoo hagto waxaynu qormadan ku qaada dhigaynaa taariikh nololeedkii iyo curintii abwaan Xasan X. Cabdilaahi “Xasan Ganay”, inagoo ku bilaabi doona hab nololeedkiisa isagoo ka hadlayana wuxuu yidhi:

“Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano1, waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka. Markii la odhan jiray Bakayle Qalad waxaan bilaabay Baayacmushtari ahaa inaan ka samaysto meherad yar aanan ku lahaa Xero Dhifta2, laakiin sannadkii 1966kii, ayaan hadana u wareegay dhinaca Geerash-yada oo waxaan ka shaqayn jiray Geerashkii Xaaji Dool iyo Cabdi Giirshe ay wada lahaayeen, 1967kii, ayaan ku biiray Ciidamadii Xoogga Dalka, markaas ilaa 1970kii waxaan ku jiray Ciidamadii Kamaandoosta ahaa oo aan ka soo wareegay xilligaas oo aan ku soo biiray kooxdii Baamboyda iyo Kooxdii Janan Daa’uud. ”

Abwaan Xasan Ganay wuxuu ka soo jeedaa reer Ilaahay tiro badiyey, oo wuxuu dhalasho la wadaagay sideed iskugu jira lix wiil iyo laba dumar ah oo kala ah: Cumar, Aadan, Yuusuf, Gaheyr, Ismaaciil, Qamar, Cawo iyo Cali. Dhamaantood way wada nool yihiin marka laga reebo Cali(IHUN) oo geeriyooday. Aabihii X. Cabdilaahi (IHUN) muu soo dhawaan oo ta Ilaahay waxay haleeshay mudo hore, inkastoo hooyadii Dhool Cute Warsame (IHUN) ay ku geeroyootay Magaalada Hargeysa gu’gii 1997kii, Ilaahayna isagaa xumaan ka hufanee uu nasiib u siiyey inuu gacantiisa abwaanku ku aaso. Abwaan Xasan Ganay waxaa u dhaxday marwo Cadar Axmed Kaahin ilaahayna iskaga calfay laba wiil Cabdilaahi iyo Guuleed oo kala jooga Maraykanka iyo Malaysia siday u kala horeeyaan. Ilaahay iskuma calfin inay Marwo Cadar sii wada joogaan, markii ay kala tageena wuxuu guursadey marwo Maryan Cali Axmed ilaa iminkana ay wada joogaan.

Hees uu sameeyo waxaa ugu horaysay, heesta la yidhaa “Caashaqu Shafkayga hawl yari shuq ma u yidhi oo ay qaaday Sacaada Alaale uu muusikadana saaray saygeedii Axmed Nuur Jaango. Waxaa wax la tilmaamo ah siday ay arinta halkan ka dhacday iskugu beegantay. Abwaan Xasan Xaaji C/laahi -Xasan Ganey- oo arintaa ka hadlayana wxuu yidhi “Axmed Nuur Jaango waxaa uu codka u sameeyay heestii ugu horaysay ee aan sameeyay iyo heeso badan oo aan leeyahay, iyadoo ay isagana taydaasi ugu horeysay hees uu muusikada u sameeyo”. Waxyaalaha aad loogu tilmaamo Abwaan Xasan waxaa ka mid ah dadka heesihiisa ama ruwaayadihiisa ka qayb qaata oo ku soo baxa magacooguna raago. Tanina waa ta keenta inay dadka qaarkii si geesinimo leh u yidhaahdaan xulashada erayada iyo tayadooda ayuu u heelan yahay abwaanku, xil wayna iska saaraa.

Abwaanka waxaa u suurto gashay inuu dhawr heesood sameeyo, isagoo walibana fursad u helay inuu daawado ruwaayado dhawr ah ooy oo u ahaa baraaarujin iyo dhiirigelin in uu isku dayo sameynta ruwaayadaha. waxaanay noqotay ruaayadiisii ugu horaysay mid uu sameeyey isagoo da’diisu ku dhawdahay 24 jir, uguna magac daray Dab Jaceyl kari waa, hase yeeshee may u suurtogalin in la soo bandhigo ka dib markii kacaankii keligii talisku u arkay inay tahay mid xumaantiisa daaha ka rogaysay. Abwaan Xasan oo arintan ka hadlayaana wuxuu yidhi: “Markii ruwaayadii kooxdii sir baadhistu (NSS) eegtay waxay yidhaahdeen ruwaayadu waa anti markaa waa lanaga joojiyey dhigisteedii, dayna waan galay oo dadkii dhigayey way igu lahaayeen lacagtii, markaa mudo ka dib ayaa Idiris Cigaal loo soo badalay Hargeysa uuna codsadey inuu ruwaayad loo keeno ay hobolada waaberi dhigaan, nasiib wanaag Dab jaceyl kari waa ayaa tartankii heshay ”. Inkastoo aanu Abwaan Xasan ka mid aheyn kooxda Waaberi markan aqoon fiicana aanay dadku u laheyn ayuu aad ugu mahadnaqayaa Maxamed Cumar “Huuryo”(IHUN) iyo Maxamed Aadan Dacar oo ruwaayada sii wanaajiyey dhigisteeda si fiicana u gacan qabtay abwaanka. Hase yeeshee waxaa jirtay in abwaan Xasan, Maxamed Maxamuud Ismaaciil “Kaneeco”, Axmed Shire Cali “Baandey”, Axmed Xasan “Axmed Libaax “ ay wada sameeyeen 1970 dabayaaqadiisii ruwaayadii la odhan jiray “Laanta sare iyo laaca aragtayee Laagga ma ogayd”. Ruwaayadani may hanoqaadin sababo jira awgeed. Waxaa kaloo tilmaan mudan inmarkani ay aheyd xiligii ay aasaaseen kooxdii Janaraal Daa’uud, iyadoo uu magaca bixiyey Cabdi Cali Weyd (IHUN). Ruwaayadaha uu abwaanku alifay waa ruwaayado dhawr ah oo dhamaan ku salaysan dhaqanka toosan, kana turjumaya heer masraxeedka abwaanka oo aad u sareeya, waana kuwan ruwaayadaha uu sameeyey :

  • Dab Jaceyl Kari waa — 1973-kii
  • Shil iyo Jaceyl — 1975-kii
  • Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii Inankayga — 1977-kii
  • Galbeed waa la xoreeye Waarsaa Gaagixisay — 1978-kii
  • Bidaari Sibiq bay kugu Gashaa — 1980-kii
  • Masiibadu Adduunyada iyadaa u Macalin ah — 1983-kii

Waxaa ugu dambeeysay riwaayad uu sameeyo Dhaqankeena iyo Dhalinta Casriga, taas oo aan lagu soo bandhigin masrax faneed ee uu hayo iyadoo cajalad ah, inkastooy jiraan weliba riwaayado kale oo ay magacyadoodii naga maqanyihiin. Intaas waxaa u sii dheer abwaanka heeso badan, iyo gabayo iskood u madax banana. Waxaanu ku caanyahay jilista ama hab masraxeedka riyaawadaha.

Abwaan Xasan X. Cabdillaahi (Xasan Ganey) heesaha aad loogu xasuusto waxaa kamid ah heesta Sayla oo ka mid ah heesaha ugu dhumucda weyn ee Soomaalida, kuna sar go’an dhaqanka iyo hiddaha bulshada, heestaas oo ay codadkooda baxsan ku qaadaan fannaanka iyo fannaanada weyn ee caanka ah Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac oo labadooduba ah shakhsiyaadka ugu haboonaa gudbinta heestaas marka loo eego dhinaca Masraxiyada.

Heestaas oo beydkeeda hore uu yahay kan uu qaadayo Xasan Aadan ayuu hal-abuurku isaga oo isticmaalaya hodanimadiisa suugaaneed ku cabiray sawir muuqaal sax ah una noqon kara qof kasta oo aan aqoon u lahayn marxaladaha kala duwan ee nolosha degaanada xoolo dhaqatada, siiba Geel-jirka oo isagu ah kan ugu dhibta iyo dheeftaba badan xoolaheena inta badana aanu haweenku ka qayb qaadan dhaqaalayntiisa dhinaca (Jirista), halka baydka labaad oo ah kan ay qaadayso Sahra Axmed Jaamac oo ku bilaabmaysa, “Sange Subag idaadiyo sumal badhidii lagu shubay oo ay sabada ceelkiyo sohdu tahay agtiisee, ” uu ahaa mid ka tarjumaya meel ku siman halka uu gaadhsiisan yahay dareenka hawlkarnimo iyo aragti ku sarjaran waxqabad ee haweenku ka qaato dhinaca xoolihii aynu dhaqano, tusaale ahaan Geella, lo’da iyo Adhiga, waxaynu ognahay in aan inta badan haweenka loo dirin geella iyo xataa lo’da lafteeda.

Inaga oo taa ka duulayna waxaynu odhan karnaa Abwaanku waxa uu si hufan ugu kala xadeeyay fannaanka iyo fannaanada mid weliba beydkii uu qaadi lahaa. Haddaba, waxa uu Xasan Ganey si ixtiraam leh u sheegay isaga oo ka hadlaya heesta “Sayla” in markii uu heesta curiyay ee hoboladu ku luuqeeyeen cabasho kaga timi dad reer Sanaag ah, kuwaas oo ka biya diiday bayt ku jira, heestaas oo ah “Beel Sanaagiyo ku surmiday Saraar go’day, …”. hase yeeshee abwaanka wuxuu xusay inuu u jeeday Roobka oo gu’ga ka curta dhinaca Galbeed, dayrtana ka curata dhinaca Bari suugaantiisuna ka turjumaysay kuna qotontay arintan ku salayasan hab-curashada roobka, si uu raaligelin uga sameeyo ismaandhaafka arintaasi dhalisay wuxuu ka tiriyey heesta la yidhaa “Dhaqan”.

Abwaan Xasan Ganey, maansooyinka laga dhex dheeganayo xeeldheeridiisa siyaasadeed iyo indheer garadnimadiisa waxaa ka mid ah Maansada yaabka leh ee Gorgor oo ku xidhiidhsanayd sheeko dhab ah oo ka dhacday magaalada Hargeysa-xaafada Goljano. Sheekaduna waxay aheyd Caruur agoon ah iyo hooyadood riyo ay lahaayeen waxaa ilaalin jiray Gorgor, meel uu ka yimid aan la garanayn kaas oo uu Abwaanku sheegay in maalin maalmaha ka mid ah ay riyaha caruurtaasi u dhaceen Beer, ka dibna ninkii beerta lahaa oo xaraystay riyihii, isla markaana uu gorgorkii dhirbaaxo dhabanada kala dhacay ninkii oo uu ka soo xoreeyay riyaha. Gorgorkaasi waxaa uu dhirta ay gaadhi waayaan u googoyn jiray riyaha, waxaanu ku maydhan jiray biyo saxni ku jira, subaxiina markaay tahay shanta aroornimo ayuu ku soo wareegi jiray Hargeysa oo dhan, Gorgorkaas oo ay dadka qaar yidhaahdeen waa caruurta aabahood oo weli ahaa, qaarna si kale ku sheegeen, ayuu abwaanku cagihiisa ugu tagay si uu u hubiyo waxaana dhagahiisa ka batay oo ay dadkoo dhan isla dhex marayeen, markuu arkay siduu u dhaqmayo gorgorku ayuu ka tiriyay maansadan gorgor, laakiin ujeedada maansadu waxay ahayd mid si farshaxanimo u uga waramaysay hab dhaqameedkii foosha xumaa iyo siyaasadii guracnayd ee maamulkii markaas talada hayay.

Abwaan Xasan Ganay wuxuu aad u neceb yahay in laga been abuurto lana badalo taariikhda maansooyinka, wuxuu aad uga biyo diidaa khiyaamada iyo run ku gabashada iyadoo suugaanta la qaloocinayo waxaanu isagoo si tusaale ahaana inoo tilmaamaya uu si aad ah u cambaareeyay buuga uu qoray Axmed Faraax Cali (Idaajaa) oo ka hadlaya maansooyinka deelayda, buugaasi oo sida ka muuqata uu Idaajaa ku dhaleeceeyay si been abuur ahna ugu xusayo inuu Abwaan Xasan Ganey weerar gaar ah ku qaaday Dr. Shareeco oo ahaa Masuul uu maamulkiisa hoos imanayay Abwaan Xasan Ganey laakiin waxaa uuAbwaan Xasan Ganey yidhi “Buugaas uu qoray Axmed Faraax Cali (Idaajaa) waa ribo iyo been waayo waxaa uu meesha ku qoray gabayo uu badh ka bedelay iyo qaar uu wax ku daray, waxaana uu ku soo daray rag aan laba maqal oo aan ku jirin Maansooyinka Deelayda sida nin lagu magacaabo Mire, taasina waxay meel ka dhac ku tahay qorista buugaagta suugaanta”.

Abwaan Xasan Ganey waxaa uu ku yidhi Idaajaa “Inanku aabihii mar buu hiil uga baahan yahay waa marka uu hooyadii guursanayo, Erayguna marbuu hiil kaaga baahan yahay waa markaa run ka sheegto maanta hiil kaagama baahna taliskii wafaaday waxaanad dabada sii haysaa hiil aad siinayso taliskii aad eeday ee wafaaday”.

Xasan Xaaji Cabdilaahi mar walba wuxuu la jaanqaadaa waayaha jira. Waxaanu ka qayb galay oo gacan geesinimo ka gaystay halgankii hubaysaa ee lagu gundo gooyey xukuumadii Afweyne. Wuxuu ka qayb qaataa hawl kasta oo kaga gudboon ummada uu la wadaagay degaanka mar wlabaa ku dadaalaa inuu hogatusaaleeyo xukuumad ahaan iyo rayidkaba. Waa madaale u heegan wanaaga una hiiliya garta toosan aadna u afgaaban, markiise ku haboon waa aftahan lagu nasto.

Waxaa aad u qurux badan in halkan lagu soo bandhigo mar ay bahda mareegta farshaxan xidhiidh la samaysay Inankiisaa Cabdilaahi, ayaa maanso ku muujiyey inuu wadadii uu Aabihii Abwaan Xasan maray ee u heelanaanta dhaqanka, ka damqashada dhaqan dumiska si la yaab leh uga maansooday yidhina :

Cumaraw qurbaha qisaan kala kulmoo
waxaa jira quruun qoom aanan garan
qaabkey yihiin waxa jira quruun
waa qalanjo dumar qaawisoo garbaha
surwaal qaadato aanay kaba qasnayan
bal qabsoo raguna qarqarada badhyaha
wey qaawiyeen qurux bay bideen
dhaqankii qumane dastuurkii qornaa
qarniyaasha badan hidihii la qabay
wey qubeen dadkii waxay qaayibeen
waxaan qiimo laheyn la qabsay noqdeen
gaalada qadh muun qaasiirka cuna
ee Qaadirkeen Quraankiisa wacan
qeex noogu yidhi cadaabay qudhqudhin
la qabsay noqdeen qormadaad tagteen
la qabsay noqdeen qamri iyo kilaab
la qabsay noqdeen dheeshiyo qamaar
waxay qaayibeen waxaan qiimo layn
waxaa qiiro mudan oon qoomamada
qaniinaa dibnaha qarankeenan jabay
dadkan wada qayiran een qeexi karin
waxay quruxdu tahay afartaa qodxaha
qotomee wadnaha I dhex qaadey iyo
qaylo dhaan u daa afar kalana qabo
qandho iyo xanuun sarta qudhuntayeey
waxaad tahay qixii iyo qabax tankii
shanta qaaradood qofba meel mariyo
qaxootiga la yahay caydh qaadashadu
waa qiimo beel waa quudhsi gaal
waa qadar jabkii quruxdiyo milgaha
qofku uu lahaa afartaa qodxaha
qotomee wadnaha i dhex qaadey iyo
qaylo dhaan ku sugay afar kalana qabo
qoraxdii tagtiyo waa gii qarxaba
qaylaa dhex taal reeraha qurbaha
qoyskoodu yahay ragaa qiimo dhacay
oon garan qorshaha qabistiyo xilkii
dumarkaa qariban oo qaadka cuna
noloshani qurbuhu qarkii aad daydaba
waa hadhuub qubtoon daba qabad lahayn
waa qoon burburay waa dhaqan qasmiyo
qulubaa rogii qoon kaynu nahay
afartaa qaboo qari oo xasee
ceebteenan quban shanta qaaradood
Abwaanka da’da yar Cabdilaahi Xasan X. Cabdilaahi

Maansooyinkiisa oo tafaitiran waxaad ka bogan karaysaa inta ilaa imina aanu ururinay ardaaga uu ku leeyahay nudka “Gabayaa Hore” ee ka hilaacaya boga hore ee mareegta farshaxan. Waxaanu qoraalkan ku soo qaadanaynaa majaajiladan gaaban ee ku jirtay ruwaayadii waa maadays aduunyadu dadkuna way matalayaan. Waa ruwaayadii u horaysay ee lagu arko Xasan Ganay isagoo ku jira. Xasan sidaan kor ku xusnay aad buu u xishood badan yahay mana jecla imaatinka masraxa, hadiise ay ka fursan waydo sida markan dhacday ka dib markii Maxamed Yuusuf (IHUN) maqnaaday, wuu buuxiyey meesha ee sida ku taogalku ahaa kumuu jirin ruwaayada abwaanku.

Abwaanku wuxuu ka qayb qaatey silsiladii Deeley door weyna ka ciyaaray, isagoo sidoo kalena ka maansooday Shiiinleyda. Abwaan Xasan X. Cabdilaahi waa abwaanka bulshada ku hadashada af-soomaaliga. Waa abwaan u heelan danta ummada, la wadaaga dhif iyo dheefba isagoo had iyo jeer u damqada danyarta, dulmanaha, iwm. Wuxuu had iyo jeer maanso ku tibaaxaa kuna xardhaa waxa ummadu tabanayso. Sida had iyo jeer dhacda maaha shakhsi u heelan u sacab tumida dawlada jirta, isagoon walibana la gaban inuu tilmaamo daloolaha maamulka hor dhigana cabashada dadweynaha isagoo afka bulshada ku hadlaya. Waa abwaan qaran u caleemo saran danta ummada.

Majaajiladan waxay ka warameysaa isbadalka ku dhacay noloshii qoysnimo dhinacyo badan, Abwaan Xasan wuxuu matalayaa oday ku adag dhaqankii walina u hiilinaya intii kartidiisa ah, halka ay Aamina Cabdilaahi matalayso hooyo xagal waydaratay dhawaana ku curatay ilmo yar oo adhaxda ku hayso, bal aynu jaleecno waxa dhex maray :

Oday: Layla haye, yarkii ka waran? Markaasay ku odhanaysaa

Layla Jeesto: wuu wanaagsan yahaye, ii qabo bal naasihiibaa idarareye aan iska soo lisee.

Oday: oo miyuu diiday?

Layla Jeesto: dee mayee anaa u diiday!

Oday: oo maxaad siinaysaa?

Layla Jeesto: Caano-boodhaan siinayaa biyahan sonkorta lehna wuu kusii sugayaa!

Oday: oo naasahaagiina waad u diidaysaa caano-boodhana waad siinaysaa?

Laguu waran … Holland boodhahay keentay ee daasadaa ku hilaan ee la sii qaad yaroo hargawaynina hareeraa kaga yaal xayaysiinta afkooda khudradbaa ku habaysan hilibaa ku jira xayaysiin hodhodhaa iyo huuhaabaa la yidhaa!

Huluunbahaa la walaaqay ee caagadaa xune huursan hoosta loogu shubaayo cudurka waa u horseedoo caruurtaa ku hagaarta.

Naaskaagaa hodona isagaa ka haboon kanaad hooyo tidhaahdana had u diidine sii.

Layla Jeesto: Halkanaad ka hadlaysiyo, halka aan ku hawoodey, hirwaynbaa u dhaxeeyoo, haawraareey waa lagu eed.

Oo inta wiilku i hiigoo, durba aan habarooboo, horaadkaygu dhacaayoo, hadhowna laygu nacaa?

Allahayaaaaaaaay! Naayaadhaheen aniga yaa i habaaray dee?

-Laylii markaa sheekadii ayey bedelaysaa oo odhanaysaa-

Waar iska daa tanoo, alaabtii masoo dhamaysay?

Oday: lacag aan helo dee lacag lama hayee!

Layla Jeesto:

Sariirtaad keentay habtii iyo kuraastoo wada hiigmay

haweenkiibaa igu caayey oo anays geeyey halkaa!

hadaan huudha kusaaroo kuu samaysto hogaanoo

hadhkayga aad ka baqayso hadalkaan ku idhaahdaba

hayebaad odhan layde! Allow aan hengel goosto

hadaanaad hadda keenin belaayaa ka higloo

laysu soo hoyan maayo! Naa i qabo dhacaye!!!

Oday: naa cidina ku qaban maysee

ninka loo hanjabayaa maanigaa?

Layla Jeesto: waa adiga laftaada.

Oday: Sidii awr hayina nin loo dirto hogaan

haatan anigu kawayniye hawraar waano ah hoo!

Aduunku hooyo la’aan wuu halaabi lahaayoo

hirkaa loo tartamaayo lama haaban kareen!

. . . . . . . . .

Hadii aanay u heesin oo hadaaqsiinin caruurta

oo horaadkeeda jaqsiinnin hiduhu wuu lumi laa

afkuna muu hirgaleenoo oday geed ka hadlaayiyo

hoobal luuqda ku qaadiyo hal-abuur ma jireen.

Hadii aanay heegan ahayna hanti maan dhaqaneenoo

subag haamo ka buuxiyo caano maynu helleen.

Hadii aanay u hiillina dadku hoy magaleene

hooyo waa noloshiiye hareeraa isu tuurkiyo

afkanaad ku hadlayso soddoh looga haboone

maad wuxuun iskula hadhid?

Layla Jeesto:

Halkaas ayaan kaaga dalacday!

Alla hayaaaaay Layla Jeestaanu aqoonba!!!

Waa in ku filan ka waranka ismaandhaafka qoysaska maanta oo runtii inta badan furniin ku biyo shubato.

Waqtiga maanta lagu jiro markuu Abwaan Xasan sidaa isha u mariyey waxaa ku dhacay amankaag la yaab leh oo uu ku soo bandhigay hab maanseed uuna ku suntay “Magan”. Maansadani waxay aad uga afcelinaysaa isbadalka ummada Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibada, inkastooy dibadu ugu sii daran tahay, uu dhaqan dooris foolxumi ku dhacay inta u adeegeeda loo tirin lahaana itaalkooda sii gabaabsi yahay. Wuxuu abwaan Xasan dib inoo jaleecsiinayaa waxay ummada Soomaliyeed aheyd, waxay haysteen, isagoo si farshaxanimo lehna inoo tusayana sidaynu qurux iyo horumar moodnay, hase yeeshee inoo hagaysa halaag iyo burbur bulsheed. Wuxuu abwaanku aad uga waramayaa:

  • Dhaarta beenta ah ee maxkamaduhu ogol yihiin dhinaca dhulka, runtiina marag laadahay
  • Dhalintan dhaqankii wanaagsanaa seegtay
  • Aaabayaasha hablahay dhaleen mijin qaad ahi uga qiimo badnaatay
  • Waxsoosaarka iyo waxqabsiga shaxaadka laga doorbiday
  • Maandooriyaha iyo Macsida lala soo mudh baxay

… iwm, waxaanu abwaanku yidhi:

MAALEY LA QOOSHIYO MACAANAATEY DACARTII
MALABKUNA QADHAADHAA MIYUU WAASHAY BAY ODHAN
WAA SE LAYGU MAAH GARAN
TALO WAA MAR LAGU NACO DANTA MAARINTEEDIYO
MAR LA GAADHI WAAYOO MUGII WEEL MA DHAAFEE
MAAREE ALAHAYAW
MIJIRAW U MAA DABAN INAAN MAASHA QARIYOO
MILIL GUUDKI LAMA DHAYO MACNIHIYO U JEEDADU
SI AANAY MARGI U NOQON MIDI ROORTU UGU DHICIN
BAL AAN JARO MAKAABAHA
SIDA DUUDI MADA WEYN MADASHII KARAA MADA
MILAYGII U DI’I JIREY TODOBKOO MUQUURTIYO
MAANSHEEYE TIINBADEY GALABTIINA MAYRACAY
DARUUR MARAQA FURATIYO MIJA HAADLE KU ONKODEY
SUBAXIINA MAYEY HELEY ISAGUNA MULAAXSADEY
CIRKOO MADAR ALAHU SHUBEY MUDA LAGA SALAAXDOO
WADHEY MAALMO DABADOO OO CIIDA MAYDHANI
MAXAMUUDI U EG TAHAY MATAANIINA BUUXAAN
OON MOODHARADU SOCON BOORAANTA MARI JIREY
OO MADIGI WEYNAA GOBKII MUUQA DHEERAA
MEEL FOG KAAGA SOO HIREY OO MAGOOLKA KAYNTIYO
LAFO NUUR MAC SUUMOO MILIC DAAWANAAYIYO
COSOB SOOMUDH YIDHI IYO MUD MUD YAHAY CAGAARKII
MUUUQAALKU DEEQOO QURUX LAGU MARIIMIYO
NOLOL IYO MACAAN KEED RABI LOOGU MAHAD NAQO
HADAAN LAGU MASUUGEYN MIYI BAA LAHAAN JIREY
WALI QURUXI KUU MAQAN

Maansooyinka Abwaanka waxaad ka bogan doontaa insha Allah ardaaga looga qoodeeyey golaha abwaanada hore ee ku xardhan boga hore ee mareegta farshaxan.

Bahda Mareegta farshaxan waxay u mahadnaqaysaa dhamaan dadkii la wadaagay xogtay ka hayaan Abwaanka, si hagar la’aaneedna uga jawaabay codsiyadayada sida inankiisa Cabdilaahi, Hooyo Cadar Axmed Kaahin, Axmed-Naasir Jibriil-Tifatiraha mareegta Hadhwaangnews, Tifatiraaasha GabileyNews, iwm.

Tixraac:

  • Raadtv
  • Wargeyska Jamhuuriya

F. G: Wixii talo, tusaale iyo tilmaan ah diyaar baanu u nahay

Fu’aad Sh. Abuubaker

Bahda Mareegta Farshaxan

www.Farshaxan.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply