Maxaad Ka Taqaan Basaaskii Dunida Ugu Khatarsanaa Ee James Bond.

Waxa aynu ku aragnaa filimada ama waxa aynu ka akhrinaa Buugaagta. Laakiin waa kuwo soo maray dunida aynu ku nool nahay.Waxa aynu qormadeenan ku soo qaadan doonaa Qisada basaaska caanka ah ee JAMES BOND.

Sidney Reilly

Sidney Reilly waxa uu ku dhashay wadanka Russia 1873 gaar ahaan meesha imika la yidhaahdo Ukraine, waxa uu u shaqayn jiray sirdoonka Ingiriiska British Secret Service Bureau, , Waxa uu ahaa magaciisa saxda ahi Sigmund Georgievich Rosenblum. Waxa uu ku caanbaxay magaca “Ace of Spies” Reilly waxa uu aaminsanaa inuu u basaasi karo 4tii quwadood ee dunida wakhtigaas ugu awooda badnaa waxase la yaab noqotay kadib markii uu afartaas dawladoodba uu ka keenay sir , Waxa uu xoog u isticmaali jirey dumarka isaga oo kula baxay naanaysta kale ee “Gentleman Spy” .

Reilly ayaa waxa uu soo caan baxay horaantii sanadkii 1920kii waxana ka qayb qaatay in ninkan laga shaqaalaysiiyo sirdoonka ingiriiska nin ay saaxiib dhow ahaayeen isla markaana ahaa Diblamaasi ingiriisa ahna Journalist oo lagu magacaabi jirey Sir Robert Bruce Lockart, Kaas oo daabacay hawlgalkii ay xilka kaga tuurayeen keligii teliyihii Bolshevik ee xukumayey sovietka sanadkii 1918, inkasta oo uu fashilmay isku daygani.Majalada London Evening ayaa waxa ay u dooratay Reilly inuu yahay “Master Spy” , intaas dabadeed Ian Fleming ayaa waxa uu Reilly u adeegsaday isaga oo ku diray magaca JAMES BOND inuu soo ururiyo xogo badan dilal badana geysto. Ninkan ayaa waxa taariikh yahanadu ku tilmaamaan inuu yahay Basaaskii Ugu Wanaagsanaa bilowgii qarniga 20aad.

Sanadku markii uu ahaa 1925, waxa uu ku noqday isla wadanka Ruushka isaga oo rabay inuu wax ka geysto isku daygii xilka lagaga ridayey kaligii teliskii xiligaa xukumayey Sovietka laakiin markan waxa uu noqday mid bilaa nasiib ah isaga oo la qabtay isla markaasna lagu fuliyey xukun dil ah isla sanadkaasba

hawlgaladii uu galay waxa ka mid ahaa


-Wakhtigii uu socday dagaalkii Second Boer War (Dagaalkii u dhexeeyey UK iyo Ireland oo dhinac ah iyo South Africa) waxa uu iska dhigay baayacmushtar Ruush ah oo ka ganacsada hubka si uu xog uga helo saanada milatari ee wadanka Dutchka.

-Waxa uu Dhameeyey heshiiskii Persia (Iiraan) ay shidaalka ku siinaysay ciidanka bada ee ingiriiska. Heshiiskan ayaa lagu magacaabi jirey (D’Arcy Affair)

-si loo bedelo mulkiilihii shirkada alwaaxda ee Timber waxa uu soo ururiyey xogta ah in Milatariga Russia ay joogaan Dekeda Port Arthur ee wadanka Manchuria isaga oo u sheegay ciidanka Kempeitai,(Sirdoonkii Wadanka Japan).

-Waxa uu soo basaasay soona bandhigay warshadii Jarmalka ee hubka qarsoodiga u soo saari jirtey ee Krupp. -Waxa uu si mutadawacnimo ah ugu adeegay ciidankii cirka ee Royal Flying Corps ee wadanka Canada bilowgii dagaalkii koowaad ee dunida.

-Waxa uu shukaansaday xaaska mid kamida wasiirada wadanka Russia isaga oo raba inuu ka helo xog ku saabsan hubka jarmalku siinayo wadanka Russia

. -Intii lagu guda jiray dagaalkii koowaad ee dunida waxa uu xidhay dirayska saraakiisha ciidanka jarmalka isaga oo ka qayb galay shir wayn oo ay lahaayeen goleha sare ee hogaaminta ciidankii Jarmalka. -Waxa uu badbaadiyey diblomaasiyiin Ingiriis ah oo lagu heystay wadankaa Brazil.

-Waxa uu isku dayey inuu xilka ka tuuro dawladii uu xukumayey Bolshevik ee wadanka Russia Xukumaysay, Laakiin waa uu ku guul daraystay.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com