Maxaad ka taqaan Fanaanka reer Lubnaan ee Raaqib Calaamah

 Toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa Barnaamijkeeni ahaa Falanqaynta iyo Fanaaniinta Dunida, Fanaan Aad loo wada yaqaan oo Dunida caan ka ah isla markaana ah Fanaan Carbeed oo ka sii ah Wadanka Lubnaan, waa Raaqib Calaamah.waa Fanaan Lubnaani ah waxa uu ku dhashay Magaalada Bayruut Xaafada Konfureed ee al-qubayri.

waxa uu ka dhashay qoys dan yar wuxuuna ku dhashay isagu qol yar oo uu lahaa Awoowihii Aabe.Sanadku markuu ahaa.1962.waxa uu ka dhashay Caailad Muslimiin ah kana sii ah Shiicada Lubnaan,waxaa la dhashay laba Caruur ah oo ay walaalo yihiin,oo kakala yidhaahdo Khalid.iyo Waluy.,xaafada uu ku dhashay waxaa deganaa sheekh la yidhaahdo Raaqib Calaamah,wuxuuna ahaa Qaadiga keliya ee ee xaafada ka sheekha ah,waana kan ay hooyadii ugu Magac Dartay inankeeda uguna bixisays sidaa Raaqib Calaamah.waxayna rabtay marka ay inankeeda magacaa u bixinaysay inuu noqodo sida sheekhaa qaadiga ka ah oo kale, Mana dhicin taasiiyoo waaka dhinaca Fanka u baydhay.wuxuuna ahaa qaadigaa loogu magac daray weliba caailada ay ka soo jeedo hooyadii.Fanaankan Raaqib Calaamah aabihii wuxuu ahaa nin aad u yaqaan Cuudka ama kabanka oo ka mid ah aaladaha muusiga.oo laga isticmaalo wadamo badan oo aduunka.ah.Raaqib aabihii wuxuu ag fadhiisan jiray markuu tumayo Kabanka,wuxuu ahaa inan qalqaali ah xaga iskuulka dhawr jeerna waxaaba laga soo eryay iskuulka.oo waxa ala qoray Qalqaali number one Halkaa Markay maraysay, wuxuu Raaqib la soo baxay Cod iyo hibo u gaar ah oo yaraan ku gashay wuxuuna ka qayb galay xaflado badan oo iskuulka ka dhacay,kuwaasoo aad loo dhacay xiliyadii uu heesayey markii lala dhacay codkiisi waxaa dhacday in tartano u galo iskuulada kale codkiisa oo soo jiitay dhegaha dadka ayaa waxay sababeen inuu iskuulo ka galo kaalmaha kowaad ee heesaha,waxaa dhacday isagoo 12 jir aan gaadhin in ay siiyaan toosin iyo tusaale raga Musiga iyo Heesaha ku ah Cabaaqirada-ama ku talax tagay.wuxuuna ka qayb galay tartankisi u horeeyey marka laga yimaado tartamadii uu ka gali jiray iskuulka.idaacada la yidh.idaacada lubnaan wuxuuna ka galay Barnaamij Toos-(live)ah, waxaa dhegaha dadkii dhegaysanayey idaacada aad u soo jiitay codkiisi,maalintaana dad badan baa u soo hambalyeeyay codkiisi,maalintaas ayuu go’aansaday inuu galo Machad barashada fanka ah gaar ahaan wuxuu xoogaa saaray qaybta Musiga oo u arkayey inuu ku fiicnaan doono dhanka muusiga oo aanu heesaha ku soo baxayn, wuxuu galay macahadkaas oo ku soo baxay dadkii darajooyinka fiican ku soo baxay oo ku qalin-jabiyey.mudo markii oo xaga Muusiga ku jiray ayaa lagula taliyey inuu codkiisu aad u fiican yahay isla markaana u baydho xaga heesaha, heesihiisii ugu horeeyay iyo kuwa ilaa maanta la dhegaysto hadaba waxaad ka dheegan kartaa shabakada Hawraar.com Albumkiisi ugu horeeyay ee uu soo saaro ayuu ku xidhay Ricord,fiican waana hana qaaday,wuuna laba qarxay..waxaad ka daawan doontaa oo aad kaga bogaynaysaa xaga hoose ee Bogan heesihiii kuwii loogu jeclaa Raaqib Calaama wuxuu ka qayb galay xafladi badan waana Fanaann Gole-Joog iyo Hu’Qaadba leh marka laga hadlayo Hab iyo Hanaan Masrixeeydka Fanaaniinta,waxaa kale oo hees uu leeyahay oo aad loo jecel yahay u hibeeyey Fanaanka wayn ee Abu-bakar Saalim oo aynu hore ugu soo qaadanayay Taariikh Faneedkiisa Bogan Hawraar,heestaa waxaa la yidhaahdaa (Sira Xubii ) Waatan heestii oo aanu laba jeer idiin soo dhignay mar waxaa u tumaya Koox Spanish ah marna wuxuu u sameeyey Vide-Clip qurux badan labadiiba waxaanu kuugusoo bandhignay halkan Tan Video-Clip-ka ah

Tan ay u tumayaan Kooxda Spanish-ka ah ..

albumkiisi u horeeyey


 

اheesaha kale ee ilaa maanta aan ka bixin dhegaha dadka

Inta aynu isgu iman doono Fanaan kale Iyo Falaqaynta Fanaanniinta Aduunka waxaanu idinkaga Tagaynaa Fii Amaani Laah Waxaa idiin soo diyaariyay Ugaas Maxamed Majabbir

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply