Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Aktarka Caanka Ah Ee Aamir Khan?

Ku So Dhawada Barnaamijkena Tariikhda Jilaaga ah Oo Malin Kasta Sabdi iyo Axad ka aqrisataan webka Daawo.net Manta waxaan ku so Qadaneyna Tariikhda Jilaaga Caanka ah ee Rer Bollywoodka Aamir Khan Waana Dalabka Dad weynaha Oo Naga So Dalbadeyn in aan ku so qadano Aamir Khaan.

 

Amir khan magaciisa dhabta waa Mohamed Aamir Hussein Khan

Xidigaan Wuxuna dhashtay 14-kii maarso sanadihii 1965.                                                                          Aamir waa Atoore Hindi ah Director qarash gareeye sidoo kalena soo bandhigo barnaamijyada TV-yada ka baxaan.

Khan inta uu fanka ku jiray wuxuu ku guuleystay in uu ka mid noqdo shaqsiyaadka ugu sameyn badan fanka Hindiya wuxuu ku guuleystay abaal marino badan oo ay ka mid yihiin 4 National film Awards. 7-filmfare Awards.

Sidoo kalena dawlada Hindiya waxay siisay laba bilad ee muwaadiniinta ee maqaanka sare ee dalka ku leh la siiyo. Padma Shri(2003)iyo Padma Bushan(2010).

Amir oo ku caan baxay MR. Perfectionist waa jilaa aan filimo badan sameynin Balse dhigay rikooro taariikhi ah dhanka Boxoffice –ka waana atooraha kaliya ee mar walbo rikoor cusub Bollywoodka kusoo kordhiyo dhanka filimada.

Aamir khan iyo Bilowga noloshiisa iyo asal raaca Noloshiisa. Amir wuxuu ku dhashay magaalada mumbai 14-kii maarso 1965 waxaa aabo u ah Tahir Hussien oo ahaa filim qarash gareeye halka hooyadiisa lagu magacaabo Zeenat Hussein. Aamir qaraabadiisa ayaa si weyn fanka ugu lug lahaa adeerkiisa Nasir Hussein waa filim sameeye iyo qarashgareeye halka filim so saarka wayn Abul kalam Azad ee ayeeyadiisa is xigeen.

Amir Khan waa curudka qoys afar qof ka koobnaa walaalkiisa waxa lagu magacaba Faisal Khan. Halka labada gabdhooda ay la dhashteen lagu kala magacaabo Farhat iyo Nikhat Khan sidoo kale Amir wuxuu abti u yahay Imran Khan oo haatan filimada wax ka jilo. Amir asigoo aad u dhalinyar ayuu Bollywoodka u dheg yeeshay waayo

markii uu 8 jir ahay wuxuu muqaalo ku yeeshay filimkii Yaadon Ki Baaraat 1973 waxaana filimkaan iska lahaa adeerkiisa Nasr Hussein sidoo kalena Amir hees caan ah oo filimkaan ku jirto ayuu wax ka qaadayaa.

 Isla sanadkii xigay Sanadii 1974 Amir wuxuu matalay doorka Mahendra Sandhu oo wiil yar ah filimkii Madhosh ee aabihiisa qarash gareeye ka ahaa. Khan kadib wuxuu galay iskuulka J.B Peti si uu waxbarashadiisa hoose udhameysto kadibna wuxuu ku biiray St.Anne’s High School ee ku yaalo Bandra wuxuu ku dhameystay ilaa fasalkiisa 8aad sidoo kalena wuxuu fasalada 9aad iyo 10aad ku dhameystay Bombay Scottish School ee ku yaalo xafada Mahin.

Amir Khan wuxuu cayaari jiray Tenniska asigoo tartamada iskuulada ka qayb gali jiray waxana la sheegay in xirfada ciyaartiisa ay wanaagsan marka la barbar dhigo dhinaca wax barashada ku ahaa. Nasib wanaag fasalka 12aad wuxuu ku dhameystay Narsee Monjee College ee ku yaalo magaalada mumbai kadib juhdi badan ee xidigaan bixiyay.

   Amir khan ayaa noloshii yaraantiisa ku tilmaamay mid dhib badnayd sababo dhaqaale darteeda  Amir aabihiisa filimaan badan ayuu qarashgareeyay weyna ka halabeen. Amir oo ka hadlayo arintan wuxuu yiri( maalin walbo 30 teleefoon ayaa soo diri jiray waxeyna ahayeen dad daymo ku lahaa aabo sidoo kale rabeen lacagahooda in la siiyo.

Amir ayaa si dhib badan ku dhameystay waxbarashadiisa madaama uu mar walbo la weydii jiray lacagaha iskuulka mararka qaarna laga raacdeen jiray iskuulka lacag la aan darteeda.

Amir khan asigoo 16 jir ah ayuu ka qayb galay filim tijaabo ah wuxuuna soconayay 40 daqiiqo waxaana la dhaha Paranoia waxaa filimkaan kooban sameyay saaxiibkiisa oo isku iskoolka ahaan hireen Aditya Bhattacharya. Khan waalidkiisa ayaa ka hor imadeen inuu filim jilista ku biiro madaama ayaga dhibaato dhaqaale kala kulmeen waxeyna rabeen wiilkooda ingineer inuu unoqdo.

Khan wuxuu si dhaqsi uku biiray koox theatada ka sameyso bandhigyo oo lagu magacaabo Avantar wuxuuna ka tirsanaa muddo sanad ah kadibna ruwaayado kooban ayuu wax ka jilay.

Khan markuu dhameystay waxbarashadii sare ayuu goaan ku gaaray inuu meel iska dhigo wax barasho inkastoo waalidkiisa kasoo horjeeden arintaas. Wuxuuna xidigaan caawinaad ka helay adeerkiisa Nasir Hussein oo asigoo Director caawiye kaga dhigay labadiisa filim Manzil Manzil (1984)iyo Zabardast(1985). Kadib markii adeerkiisa labo filim kala shaqeyay sidoo kale wax ka jilay filim documentry ah waxaana Sameyeen ardayda iskuulka FTII ee ku yaalo magaalada Pune.

 

Filimsameye Ketan Mehta ayaa arkay doorkii uu ka qaatay Amir Khan filimkii documentry ga ahaa oo arday sameeyen wuxuu Amir usoo jeediyay inuu door ku yeesho filimkiisa jaceylka ah ee Holi(1984).

Filimka Holi jilayaal badan oo fanka ku cusub ayaa wax ka jileen Balse filimkaan ma guulaysanin sidoo kale Amir lagama siinin door muuqda.

    Balse adeerkiisa Naser Hussein iyo wiilka uu dhalay Mansoor Khan ayaa kalsooni ku qabeen kartida Amir waxeyna atoore kowaad kaga dhigeen filimka Qayamat Se Qayamat Tak. Sidoo kale filimkaas juhi jalwo ayaa la waday Qayamat Se Qayamat Tak wuxu noqday filim guul taariikhi ah gaaray sidoo kale Amir khan Iyo Juhi jalao waxey noqdeen labo xidig oo cirka

galaan waxaana filimkaan lagu qaatay 7 abaal marin oo filmfare Awards ah waxaana khan lagu siiyay abaal marin jilaaga cusub fanka midka ugu fican sanadii 1989. Wixii markaas ka dambeyay wuxuu bilabay inuu wajiyo kala duwan tijaabiyo sidoo kale

 Amir khan iyo siyaasadiisa goonida u ah Wuxuu si rasmi u hirgaliyay siyaasada ah sanadkii Hal filim ama labo filim sameyo waxeyna ahayd arin bollywoodka ku cusub Filimada ugu weynaa waxa ka mid ah Raja Hindustani oo kirishma la jishay wuxuu noqday filimkii ugu

   weynaa (1996) Sanadii 2008 wuxuu noqday aabaha Bollywoodka maadaama filimkiisa Ghajini uu rikoor cusub dhigay filimkan ayaa noqday filimkii ugu horeyay ee 100 crore gudaha Hindiya kasoo xareeyo.

sidoo kalena wuxu noqday Blockbuster weyn Asigoo lala yaabanyahay ayuu hadana sanadkii ku xigay 2009 sameyay rikoor cusub oo taarikhi ah filimkiisa 3 idiots uu noqday filimkii ugu horeyay ee 200 crore gudaha Hindiya kasoo xareeyo wuxuu noqday All Time Blockbuster.

Amir khan iyo noloshiisa gaarka ah Amir khan asigoo aad uyar waxe jaceyl isla wadaagen kadibna si qarsoodi isku mehersadeen Reena.

Labadaan lamaane waxe isku dhaleen wiil iyo gabar oo lagu magacaabo Junaid Khan iyo Ira Khan Balse nasiib xumo mudo dheer kadib oo ay isla nooladeen ayay si rasmi ukala tageen Amir iyo xaaskiisa Reena.

 Amir Khan sanadii 2005 waxaa kusoo biirtay Kiran Rao ay mudo arimaha fanka isla wadeen. Labadaan lamaane hada mudo 10 sano ayay haatan wada noolyihiin waxaana u joogo wiil lagu magacaabo Azaad Rao Khan Amir dhanka shaqada fanka wuxuu saaxib aad udhow kala noqday Salmaan Khan Juhi Chawlo. Rani Mukherjee. Wuxuu sadexdaan xidig u hayaa xushmad weyn iyo wada shaqeyn mar walbo.

Waxaan Halkaan Inogu Eg Tariikhda Tariikhda Xidiga Muslimka ah ee Aamir Khan

_________________________________________________________________

W/Q:Khader Abdullahi Cosoble Doller Filp

Studio Daawo / Holland

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com