Maxaad Ka Taqaana Jeelka Heldmin Ee Ku Yaala Dalka Northway Ee Maxaabista Ku Xidhan Ay Ka Helaan Wax Kasta Oo Ay U Baahdaan Aan Ka Ahayn Xoriyada!

Jeelka ayaa waxa uu yahay goobta qofka dambiilaha ahi uu ku qaato ciqaabta lagu xukumay,waxa aanay maxaabiistaasi iskugu jiraan muwa muddo dheer ku xukuman oo intaasi kadib xoriyadooda loo soo celiyo iyo kuwa ku xukuman muddooyin dheer kuwaasi oo qaarkood ay nooloshooda ku dhex dhamaystaan halkaasi.

Xabsiga ayaa ah gooba dad badani ay ka aaminsanyihiin in uu yahay meel aad u adag oo aanu qofku ka dhex helayn noolol wanaagsan iyo sidoo kale nadaafad laakiin xabsi ku yaala dalka Northway ayaa sidaasi ka duwan waxa aanu qofka maxbuuska ah ee ku xidhan jeelkaasi uu helaya wax kasta oo uu u baahado ee aan ka ahahn xoriyada .

Jeelkan amase xabsigan ayaa waxa magiciisa la yidhaahdaa Heldan waxa aanu ku yaala dalka Northway ugu horayn qureecda loo diyaariyo maxaabiista ku xidhan jeelkaasi aroora walba ayaa waxa ay iskugu jirtaa noocyasa kala duwan ee khudaarta iyo sidoo kale jeex hilib ah oo maxbuus walba la siiyo iyo sidoo kale saladha iyo sharaabka liin macaanta intaasi kadib waxa maxbuusa walba oo jeelkaasi ku xidhan la siiyaa Bun uu cabo.

Maamulaha jeelkaasi iyo sidoo kale ilaalada jeelka iyo maxaabiistuba waxa ay cunaan cunto isku mid ah ,balse haddi mid ka mid maxaabiista amase ilaalada iyo sidoo kale maamulaha jeelkaasi ay cajabin waydo cuntadaasi la siiyay waxa ay ka iibsan karaan Super Market ku dhex yaala jeelkaasi oo wax kasta laga heli karo.

Dhismaha jeelkan ayaan marnaba u eekayn dhismayaasha jeelasha Aduunka kuwaasi oo lagu yawaano in lagu wareejiyo biro adag kuwaasi oo aanay maxaabiistu ka dhici karin iyo sido kale goobo loogu tala galay in ragga gaadhka ah ee ilaalinaya ka koraan si ay halkaasi uga la socdaan maxbuuska isku daya in uu ka baxsado .

Jeelkan ayaa waxa gudihiisa ku yaala fasalo wax barasho iyo sidoo kale qaybo kale oo lagu barto farsamada gacanta,dhismaha jeelkan oo ay hindiseen Injineero u dhashay dalkaasi ayaa waxa uu ka mid noqday goobaha dalkaasi ee loo daawasho tago.

Hawaar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com