Dadka ku nool Tuulada OYMIKON ee Dalka Ruushka ay waxa ay ku noolyihiin heer kul aad hooseeya kaasi oo la ah -50 degree,haddaba waxa is waydiin leh sidee ay dadka tuuladaasi degani u noolyinn maadama oo qabaw aad u ba’ani ka jiro tuuladaa yar ee ay daganyihiin .

mid ka mid ah dadka ku nool tuulada OYMIKON

Dadka Tuuladaasi ku nool ayaa waxa la sheegay in ay iska ilaaliyaan in ay banaanada taagnaadaan muddo daqiiqado ah waxaana la sheegay in haddi ay laydha u soo baxaan ay qalalayaan ,tuuladani ayaa waxa ku nool 500 oo qof .

Dadka tuuladaasi ku nool ayaa waxa ay sheegeen in sanadkani gudihiisauu heer kulka tuuladoodu gaadhay ilaa iyo -67 degree waxa aanay sheegeen in xaalada sidani oo kale ah ay tuuladaasi ugu damnbaysay sanadki 1933kii .

Wakaalada wararka Dalka Britian ayaa waxa ay is barbar dhigeen qabawga ka taagan tuuladaasi iyo qabawga ka taagan gudaha Dalka Britain waxa aanay sheegeen in aanay ahayn laba la is barbar dhigo oo tuuladaasi ay aad uga qabawdahay Magaalooyinka Dalka Britain .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA