Maxaad ka Taqaanaa Wadamada Millatarigoodu ugu Awoodda Badan Yahay Qaarada Afrika

 

Warbixin ay soo saartay hay’adda GFP (Global Firepower) oo inta badan cabbirta awoodda millateriga dawladaha caalamka, ayaa lagu sheegay in waddanka Masar yahay dalka dhanka millatariga ugu awoodda badan qaaradda Afrika, waxana ku xiga dalalka Aljeeriya, Itoobiya, Nayjeeriya iyo Koonfur Afrika.

Waxa hay’addu daraasad ku samaysay in ka badan 30 dawladood oo Afrikan ah, waxaanay warbixinteeda oo MK soo xigtay ku go’aamisay in dawladda Masar dhinaca millateriga hoggaaminayso Afrika, iyadoo kaalinta 12aad kaga jirta 126ka dal ee xagga millateriga ugu fiican adduunka oo dhan. Inta badan Masar waxa ay leedahay awood ciidan oo ay ku ilaashan karto hawada, dhulka iyo badda iyo waliba baatrool ay ciidammadeeda ku quudin karto amma shirkadaha hubka u soo saara.

Kaalinta labaad waxa galay dalka Aljeeriya, isla markaana waxa soo raaca Itoobiya Nayjeeriya iyo Koonfur Afrika.

Haddaba Sodonka dal ee ugu awooda badda dhinaca millatariga qaaradda Afrika, waxa ay kala yihiin sidan;

  1. Masar
  2. Aljeeriya
  3. Itoobiya
  4. Nijeeriya
  5. Koonfur Afrika
  6. Angola
  7. Morocco
  8. Sudan
  9. Libya
  10. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo

Kenya

  1. Tunisiya
  2. Zimbabwe
  3. Zambia
  4. Chad
  5. Uganda
  6. Tanzania
  7. South Sudan
  8. Ghana
  9. Cameroon
  10. Mozambique
  11. Niger
  12. Ivory Coast
  13. Mali
  14. Madagascar
  15. Gabon
  16. Republic of the Congo
  17. Namibia
  18. Soomaaliya
  19. Jamhuuriyadda Dhexe ee Afrika.

Hay’adda GFP waxay warbixinteeda ku muujisay in ay baadhay awoodda hubka ee dalku haysto, nidaamka millaterigeedu u dhisan yahay, sida ay u helaan dallacsiinta iyo hab kala saraynta, waxa kaloo ku jiray dhaqaalaha millaterigu helo, tignoolajiyadda iyo waliba khibradda saaraakiisha ugu sarreeya.

Dalalka xagga millatariga ugu awoodda badan caalamku waxa ay kala yihiin Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya iyo Ingiriiska. Dalka Maraykanka waxa uu ilaa sannadkii 1945-kii ahaa dalka ugu quwadda badan ciidanka caalamka, isagoo aan ilaa waqtigaas hoos uga dhicin kaalinta koowaad.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments