Maxaad kala socotaa Faa’idooyinka Tufaaxa?

tufaaxa waxa laga helaa faa’idooyin tiro badan oo u wacn caafimaadka, waxaana xataa ka hor tagaa cudurada qaar,

Hadaba Tufaaxu waa Midho qooya oo u fudud Xiidmaha faa’iidana leh, waxaa ku jira 100ka gram ee Tufaaxa ah:

85%  miisaankeeda oo Biya ah

12% oo Sonkor ah

40 unit oo ah Vitamin B1

90 unit oo ah Vitamin A

20 unit oo ah Vitamin C

iyo wax badan oo Mineral Salts ah sida Potassium, Calcium, Phosphorus iyo Iron, waxa kale oo uu hodon ku yahay Fibres ka

Faa’iidooyinka uu Tufaaxu leeyahay

1-Tufaaxa waxa ku jira Madada la yidhaahdo Pectin taas oo sahasha ka saarista Dacarta iyo Gases ka Caloosha

2- waxa uu dejiyaa oo yareeyaa Qufaca wuxuuna fududeeyaa soo saarista Balqamka

3- waxa uu joojiyaa in ay kor u kacdo Cholesterol Dhiiga ku jirtaa

4- waxa uu faa’iido u leeyahay Beerka, Kelyaha iyo Beeryarada isaga oo u fududaynaya Shaqooyinkooda

5- waxa uu taageeraa deganaanshaha Dhiiga

6- waxa uu daweeyaa Calool Fadhiga iyo Shubanka

7- waxa uu taageeraa burburinta Dhagxanta Kaadjahaysta ku samaysanta iyo faa’iidooyin badan oo aynaan halkan ku soo koobi Karin. Dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in uu Qofku cuno Maalintiiba laba Xabo oo Tufaax ah.

Waxaa jirta Maahmaah Shacbi oo tidhaahda: qaado Maalintii Xabad Tufaax ah wuu kaa foogaanayaa Xanuunku weligiiba

 

Faalo Ka Dhiibo

comments