Maxaad Kataqaanaa Aktarada Bollywoodka Ka Tirsan Ee La Dagaalama Saxaafada

Waxaa jira aktaro  caan ka ah Bollywoodka oo dagaal xun uu dhex maray iyaga iyo bahda warbaahinta.Waxaana Jilaayaashaas kamid ah, Salman Khan, Shah Rukh Khan iyo Priyanka Chopra.

Warar saaka  soo baxay, ayaa sheegaya in Ranbir Kapoor uu furka ku tuurtay sawir qaade doonayay inuu sawir ka qaato, Jilaaga oo beryahaanba baxsad ka ahaa saxaafada, si aysan wax uga weydiin arimaha gacalisadisi hore ee Katrina, ayaa la sheegay inuu si aad ah uga cadhooday Sawir qaade gudanayay shaqadiisa, kaasoo isku dayay inuu Sawir ka qaato.

Ranbir, ayaa la sheegay in asigoo aad u xanaaqsan uu kasoo degtay Gaadhiga, islamarkaasina uu sawirqaadaha qadaanqadiyay kuna dalbaday Boolis meesha ka ag dhawaa.

Hadaba dagaalka u dhaxeeya saxaafada iyo jilaayaasha Bollywoodka maahan mid cusub, waxaa jira jilaayaal caan ah oo sidaan oo kale horay ula dagaalay saxaafada.

Deepika, ayaa sidaan oo kale mar iyadana furka ugu tuuratay wariye su’aal ka weydiiyay, sawirkeeda oo xayeeysiin loogu sameeyay Majalad caan ahayd, waxaana Deepika sawirkaas ay u muuqatay mid xoogaay ay asturneen oo qeybo kamid ah naasaheeda la arkayay.

Sidoo kale Parineeti Chopra, ayaa kamid ah Jilaayaasha la dagaalamay saxaafada, bal hoos ka daawo iyadana wixii ay saxaafada isku dhigeen.

Shahrukh Khan, ayaa isna kamid ah jilaayaasha uu dagaalka dhex maray saxaafada, waxeyna arintaan dhacday mar loo dabaal degyay sanadka cusub ee 2014.

Wariye ku sugnaa xaflada, ayaa SRK ugu yeedhay ninka ugu da’da weyn dadka xaflada kasoo qeyb galay, waxaana islamarkiina wajiga King Khan laga dheehan karay xanaaq iyo waji kaduudid, taasoo micnaheedu ahayd inuusan ku farxin hadalka wariyaha, balse SRK ayaa qarsaday caradiisa.

Halkaan ka daawo muuqaal soo koobaya dhamaan jilaayaasha la dagaalamay Saxaafada:

Faalo Ka Dhiibo

comments