Hawraar(Riyad) Dalka Sucuudiga ayaa waxa dhawaan laga ogolaaday in shacabka ku nool Dalkaasi loo furo Sinimooyin ay ku daawadaan aflaamta kala duwan artintaasi oo aan hore ugu jirin Dalkaasi .

Furitaanka Silimooyada Dalkaasi ayaa waxa la filaya in la bilaabo bisha April ee Sanadka fooda inagu soo haya ee 2018ka ,balse hayada ka masuulka ah soo saarista liisanada Silimooyada ayaa waxa ay shaacisay shanta flim ee ugu horayn doona kuwaasi oo dhamaantood ah aflaamta ay soo saaraan Hollywood .

Shirkad u gaarka ah ka shaqaysinta iyo hir galinta Hall-lka Sinimooyada Dalkaasi ee magaceeyada marka la soo gaabiyo loo yaqaano AMC ayaa waxa ay shaacisay shanta Flim ee ugu horayn Doona ee lagu daawan doono Silimooyada Dalkaasi waxa aanay shantaasi Flim kala yihiin :

Film-ka Alpha oo ah Flim ka taariikhi ah oo ka hadlaya taariikhdii iyo dhacdooyinkii dhacay 20 kun oo sano ka hor,iyo sidoo kale Flim-ka A Wrinkle In Time oo ah Flim Koomidiya,waxa kale oo ka ah aflaamtaasi shanta ah Flim-ka Rampage iyo Flim-ka Incredibles2 iyo sidoo kale Flim-ka Jurassic World Kingdom .

Dhamaan aflaamtaasi shanta ah ayaa noqon doona kuwa ugu horeeya ee lagu aftixi doono daawshada Silimooyinka laga hir galinayo Dalkaa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

KA DHIIBO FIKIRKAAGA