Dadka u dhashay Dalka Sucuudiga ayaa waxa ay barasha Bulshada ku qaadaa dhigeen nin u dhashay Dalkaasi oo muddo 39 sano ah xidhan.

Maxbuuska ugu mudada dheer maxaabista Sucuudiga ee Al-sibeeci

 

Ninka ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu yahay maxbuuska ugu qadiimsan maxaabiista dalkassi sucuudiga ,ninkani ayaa waxa uu jeelka galay markii ay da’diisu ahayd 19 waxaanay haatan da’diisu tahay 60 jir .

Sababta ninkani uu mudadaasi u xidhanyahay ayaa waxa ay tahay dambi aanu isagu galin kaasi oo ahaa in adeerkii uu dilay nin ay ilmaadeer ahaayeen intaasi kadibna uu adeerkii u baxsaday dalka Yaman .

Ninkan ayaa waxa magiciisa la yidhaahda Al-sibeeci waxa aanay dadka dalkaasi ku dhaqan boqortooyada dalkaasi in ay ninkaasi xoriyadiisa u soo celiyaan sidoo kale qoyska uu ka soo jeeday ninkii uu adeerkii dilay oo ay ilmaadeer yihiin Al-sibeeci ayaa waxa ay ka codsadeen in ay cafiyaan .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA